Talaado, May 27, 2008(HOL): Ciidamada Amisom ee howlaha nabad ilaalinta ah u jooga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay maanta howlgal baaritaan ah ka sameeyeen Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa intii ay howlgallada wadeen waxay Miinooyin ka saareen Wadadaas oo dhowr jeer qaraxyo lagula beegsaday Ciidamada Amisom, kuwaasi oo midkii ugu dambeeyay ay Ciidamada Amisom kaga dhaawacmeen shan Askari.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Captain Barigye Bahouku ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Miinooyinka ay soo saareen ay ahaayeen kuwo aanan qarxin.
Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer lagu qaaday weerarro loo adeegsaday Miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago iyo weliba weerarro kale oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana qaraxyadaas ka soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.
Ugu dambeyntiina, Howlgalka ay saaka sameeyeen Ciidamada Amisom ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gelinkii dambe Ciidamada Amisom lagu qaaday dagaal xooggan oo loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, inkastoo Afhayeenka Ciidamada Amisom Captain Barigye Bahouku uu sheegay in uusan weerarkaas wax khasaare ah ka soo gaarin Ciidamadooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia