Talaado, May 27, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay howlgallo burcad sifeyn ah ka sameeyeen inta u dhaxeysa Degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeelaha Shabeelaha Dhexe.
Afhayeenka Howlgallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa labadaas degmo ay ku dileen, kuna soo qabqabteen kooxo burcad ah oo dadka safarka dhibaato ku hayay.
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in tan iyo intii ay howlgallada ka bilaabeen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ay sii yaraanayaan kooxihii Burcadda ahaa ee Safarka dhibaatada u geysan jiray, isagoo xusay in ay tallaabadaas qaadeen kadib markii ay cabashooyin ka soo gaartay dadka Wadadaas ku safra.
Intii aysan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka howlgallada ka bilaabin inta u dhaxeysa Degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa waxaa jiray kooxo burcad ah oo dadka ku dhibaateyn jiray deegaanka Qalimow iyo nawaaxigiisa, iyadoo dhowr jeer oo horena halkaas dhibaato loogu geystay Dad safar ah oo isugu jiray kuwo Muqdisho ka tegay iyo kuwo ku soo laabanayay.
Howlgalka ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ka wadaan Wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobollada Dhexe oo aaney ka jirin wax maamullo ah oo hoos-taga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si weyn u soo dhaweynaya dadka ku dhaqan deegaannada ay Ciidamada ka howlgelayaan iyo weliba Dadka Safarka ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia