Talaado, May 27, 2008(HOL): Waxaa sii kordheysa tirada dadkii ay waxyeellada dhimashada iyo dhaawaca ah ka soo gaartay Dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dad 13 Ruux gaaraya ayaa dagaalkii shalay ku dhintay, 20 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray dagaalkaas, iyadoo ay jiraan dad ay iyana waxyeello dhimirka soo gaartay kadib markii ay hortooda ku geeriyoodeen Dad ay isku qoys yihiin oo ay aad u jeclaayeen.
Dadka ugu badan waxay ku dhinteen agagaarka Dugsigii sare ee Banaadir ee Degmada Hodan, waxaana dadkaasi ku habsaday mid ka mid ah madaafiicdii ay isku ridayeen dhinacyadii dagaallamayay, iyadoo weliba la sheegayo in madfaca dadkaas dhameeyay uu ka soo dhacay dhinaca fariisinka Ciidamada Amisom ee ku sugan Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan.
Laakin Afhayeenka Ciidamada Amsiom Captain Barigye Bahouku ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin eedeymaha loo soo jeediyay ee ku aadan in madaafiic ay soo tuureen ay dad rayid ah ku dhinteen.
“Ciidamadeena waa kuwo khibrad dagaal leh, goobaha shacabkana hub kuma tuuraan, waxayna kaliya beegsadeen kooxihii soo weeraray oo ay labo ka mid ah dileen”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Amisom Captain Barigye Bahouku.
Dagaalkii shalay ka dhacay xaafadaha ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ahaa midkii ugu cuslaa ee lagu qaado Ciidamada Amisom ee fariisinka ku leh Isgoyska KM4, iyadoo ay xusid mudan tahay in dagaalkaas uu sheegtay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia