Talaado, May 27, 2008(HOL): Kooxo Burcad Badeed ah ayaa waxay Biyaha Caalamig ah ee Gacanka Cadmeed ka qafaasheen Markab ka diiwaangashan Dalka Panama balse laga leeyahay Dalka Holland.
Markabkan oo lagu magacaabo MV Amiya Scan ayaa markii la qafaalanayay wuxuu ku sii jeedayay Deked ku taala Dalka Romania oo lagu magacaabo Constanza, waa sida ay xaqiijiyeen Milkilaha Markabkan iyo Sarkaal qaabilsan Badaha oo Kenya u dhashay.
Markabkan oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halkii ay la aadeen Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ayaa waxaa saaran Saraakiil Ruushka u dhashay iyo Bad-maaxiin u dhashay Dalka Filipiin.
Andrew Mwangura oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Hay’ad Badaha Qaabilsan Badaha oo fadhigeedu yahay Dalka Kenya ayaa wuxuu sheegay in ay af-duubashada Markabkaas ku ogaadeen kadib markii uu ka go’ay xiriirkii ay la lahaayeen, “waxaan taas ku ogaanay Markabka wuxuu socday Biyaha Soomaaliya ee khatarta ah”ayuu yiri Andrew Mwangura.
Af-duubkan Markabkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo gacanta Kooxo Af-duubayaal ah laga soo daayay Markabka MV Victoria oo isagoo ku sii jeeday Dekedda Muqdisho ay Kooxo Burcad Badeed ah qafaasheen. Markabka MV Victoria oo ka diiwaangashan Dalka Jordan ayaa haatan wuxuu Dekedda Muqdisho ku dejinaa Sokor ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, taasi oo tankeedu dhan yahay 4,200.
Ugu dambeyntiina, Xeebta Soomaaliya oo dhererkeedu dhan yahay 3,700 kilometres (2,300 miles) ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa ka dhafay 25 weerar oo lagu qaaday Maraakiib iyo Doomo isaga kala gooshayay Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo isugu jiray kuwo Gargaar Bani’aadannimo waday, kuwo ganacsato u rarnaa, kuwo Dalxiis ah iyo kuwo Kalluumeysi
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia