Sabti, May 24, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho Captain Barigye Bahouku oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa wuxuu beeniyay qarax shalay lala beegsaday Ciidamadooda ay askar kaga dhinteen.
Captain Barigye Bahouku waxa uu sheegay in qarax lagula beegsaday inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay shan Askari kaga dhaawacmeen, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay in ay jireen Askar qaraxaas kaga geeriyootay.
Wuxuu sheegay Afhayeenka Ciidamada Amisom in uu qaraxaas ku geeriyooday nin rayid ah, kaasi oo ku sugnaa meel u dhow halka uu qaraxa ku qabsaday, wuxuuna sheegay in uu Ninkaas ku geeriyooday Isbitaalkooda, halka uu sheegay in uu jiro qof kale oo rayid ah oo ay Isbitaalkooda ku daweynayaan.
“Qaraxaas waxba uma dhimi doono howsha nabad ilaalinta ah ee aan Muqdisho u joogno, waana sii wadi doonnaa howshaas” ayuu yiri Captain Barigye Bahouku oo sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo qarax miino lala beegsado Ciidamadooda.
Shirka jaraa’id ee uu qabtay Afhayeenka Ciidamada Amisom Captain Barigye Bahouku ayaa wuxuu ku soo hagaagayaa iyadoo ay soo baxayeen warar sheegayay in qaraxii shalay lala beegsaday Ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Uganda ay dhowr Askari ku dhinteen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Amisom qarax lagula beegsaday Magaalada Muqdisho, waxaana jiray dhowr qarax oo lala beegsaday, kuwaasi oo isugu jiray Miinooyinka dhulka loogu aasay iyo weliba Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loogu geliyay fariisin ay ku leeyihiin Xarunta Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina, 2,600 oo Askari oo ka kala socda Dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa waxay magaalada Muqdisho uga howlgelayaan magaca Amisom iyagoo ilaalo ka haya Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo Isgoyska KM4 oo muhiim u ah isu socodka mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ilaa iyo haatan aaney Muqdisho soo gaarin Ciidamo kale oo laga sugayay Dalalka Midowga Afrika.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia