Gudoomiyaha G/Hiiraan oo sheegay in aan laga aqbali doonin xubnihii diiday in ay qabtaan xilalka loo soo magacaabay ilaa ka soo gudbiyaan warqado caddeyn ah

Cabirka Farta
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagweyne
Sabti, May 24, 2008(HOL): Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagweyne oo markii ugu horeysay howlihiisii shaqo ka bilaabay Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa sheegay  in aan laga aqbali doonin Xubnihii Diiday xilalkii ay u soo magacaawday Dowladda Federaalka ilaa ayuu yiri ay ka soo gudbiyaan warqado cadeyn ah.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan waxaa uu intaa ku daray in wax suurtagal ah aysan aheyn hadalo laga sii daayo qalabka warbaahinta iyadoo aysan jirin cadeymo loo soo gudbiyay oo muujinaya in aysan aqbalsaneyn Xubnahaasi xilalka loo soo magacaabay.
 
"Dowladda Federaalka Tikireeto ayeey wax ku magacaawday, sidaa daraadeed waa in la soo maraa habkii sharciga ahaa ayuu yirii Gudoomiyaha Gobalka oo mar kale ku celiyay Magacyada Xubnaha sheegay in aysan raali ka aheyn magacaabistooda waxaana uu ka codsaday in ay u soo xaadiraan howlihii loo soo xilsaaray.
 
Lakiin hadalka Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa waxaa siweyn uga carooday inta badan Xubnahii horay u sheegay in ay iska Diideen Magacaabista lagu sameeyay, iyagga oo sheegay in aysan jirin cid ku qasbi karta qabashada wax aysan raali ka aheyn '' Waa wax laga xumaado in gudoomiyuhu ku baaqo in aan howlaheena gudano, waayo isaga waxaa uu ka mas'uul yahay oo kaliya xilka uu qaaday ee ah Gudoomiyaha Gobalka , waana Xad gudgub bixinta amarkaa oo kale ayuu yiri mid ka mid ah Ku-xigeenadii iska casilay Maamulka Gobalka Hiiraan.
 
Warka ka soo yeeray Gudoomiyaha dhawaan Dowladda Federaalku u soo magacaawday Gobalka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya waqti xitaa muran uu ka taagan yahay cida dhab ahaan mas'uulka ka ah Maamulka Gobalka Hiiraan, mar hadii Yuusuf Dabageed uu wali ku adkeysanayo in uu yahay Gudoomiyaha saxda ah ee Gobalka Hiiraan
 
Dhinaca kale waxaa iyana xusid mudan marka laga soo tago Magaalada Beledweyne Degmooyinka kale ee Gobalka in ay gacanta ku hayaan mas'uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta iyo waliba Maxkamadaha Islaamiga kuwaa oo warar soo baxaya sheegayaan in ay ku howlan yihiin dhismaha Maamulo loo sameeyo Degmooyinka ay gacanta ku hayaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia