Sabti, May 24, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Isalamka ayaa waxay weerar ku qaadeen Kooxo Burcad Badeed ah oo ku sugan deegaano ka tirsan Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Dagaal labada dhinac dhexmaray ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay dhimaashada afar ruux oo labada dhinac ah iyo tiro kale oo dhaawac ah oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.
Kheyre Maxamed Maxamuud oo ka mid ah Saraakiisha horkaceysa Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu sheegay in ay sababta ay weerarka ugu qaadeen Kooxaha Burcad Badeedka ay tahay iyadoo ay u arkayaan Kooxahaas kuwo dhibaato ka wada Xeebaha Soomaaliya.
“Sababta aan u degnay Degmada Xarar-dheere ayaa waxay ahayd in aan la dagaalanno kooxahaas, hadana kuwo ka mid ah ayaan gacanta ku dhignay”ayuu yiri Kheyre Maxamed Maxamuud oo intaas ku daray in aysan ogolaan doonin in Maraakiib kale lagu af-duubto deegaannada ay ka ku sugan yihiin.
Kheyre Maxamed oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay Xeebaha Gobolka Mudug kula dagaalamaan Kooxo Burcad Badeed ah, wuxuuna sheegay in ay xiligii Maxkamadaha Islaamka ay sidan oo kale la dagaalameen, isla markaana ay ka soo qabteen 8 Nin oo la geeyay Magaalada Muqdisho.
Dagaalka dhexmaray Xoogagga Maxkamadaha Islaamka iyo Kooxaha Burcad Badeedka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay gelinkii dambe la sii daayay Markabka MV. Victoria ee u rarnaa ganacsatada Soomaaliyeed, kaasi oo ay Kooxo Burcad Badeed ah todobaadkii hore ka qafaasheen Xeebta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia