Dad Safar ah oo Dhac iyo Kufsi loogu geystay Duleedka Magaalada Jowhar

Cabirka Farta

Sabti, May 24, 2008(HOL): 3 Ruux ayaa dhaawacantay kadib markii gaari ay saarnaayeen oo marayay agagaarka Garoonka Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay Kooxo Burcad ah rasaas ku fureen.

Darawalkii kaxeynayay gaariga la rasaaseeyay oo Muus u waday Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in dadka dhaawacmay ay yihiin seddex dhalinyaro ah oo isugu jira kuwo u socday ehelladooda oo Gobollada Waqooyi ku sugan iyo kuwo doonayay in ay Gobolladaas ka sii aadaan dhinaca dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Nuune Cusmaan Aadan wuxuu intaas ku daray in Kooxaha Burcadda ah ee rasaasta ku furay ay u geysteen Dadkii gaariga saarnaa dhac, isagoo xusay in ay sidoo kale kufsadeen labo haween ah oo gaariga la socday, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday cid kasta oo burcaddaas wax ka qaban karta in ay dadka safarka ah ka badbaadiso.

Dhanka kalena, Ciidamo Madani ah oo ay sameysteen Dadka ku dhaqan Degmada Balcad ayaa waxay suurtageliyeen in ay Kooxihii Burcadda ahaa ka sifeeyaan inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar, iyadoo tallaabada ay Ciidamada Madaniga qaadeen-na ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka safarka ah ee Wadadaas isticmaala.

Hor-joogaha Ciidamadaas Madaniga ah oo lagu magacaabo Xuseen Axmed Sabriye ayaa wuxuu sheegay in ay dadaal weyn u galeen sidii ay kooxahaas burcadda ah ula dagaalami lahaayeen, wuxuuna xusay in ay ku guuleysteen in aan wax Burcad ah lagu arkin inta  u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Magaalooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Balcad oo ka wada tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa haatan waxay yihiin kuwo aaney ka jirin wax maamul ah, waxayna taasi dhacday kadib markii Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay dhowr jeer la wareegeen gacan ku heynta Degmooyinkaas, iyadoo maamulkii degmooyinkaas ka talinayayna uu gebi ahaanba meesha isaga baxay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia