Dagaal saaka ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Taleefashinka ee Degmada Yaaqshiid

Cabirka Farta

Sabti, May 24, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka aroortii wuxuu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Taleefashinkii hore ee Soomaaliya ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu sababay dhimashada canug yar oo sanad jir ah iyo dhaawaca seddex ruux oo kale, kuwaasi oo ahaa kuwo ay rasaas ugu tagtay guryahooda.

Sida ay ku warameen dad ka dhawaa halka uu dagaalka ka dhacay dagaalka ayaa bilowday kadib markii ay kooxo hubeysan madaafiic ku weerareen fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo weliba kuwo kale oo fariisin ku leh Isgoyska Taleefashinka.

Weerarkaas kadib ayay Ciidamada Itoobiyaanka waxay ku jawaabeen madaafiic ka soo dhaceysay fariisinka ay ku leeyihiin Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, kuwaasi oo ku dhacayay Xaafado ka tirsan Deegaanka Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay deegaankaas  ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo marayay agagaaraha Isgoyska Towfiiq, iyadoo qaraxaas iyo rasaas ay fureen ciidamadii qaraxa lala beegsadayna ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay Soomaaliya soo galeen waxaa fariisamadooda lagu qaadaa weerarro, iyadoo sidoo kalena waddooyinka loo geliyo Miinooyin, iyadoo weerarradaasna ay qaadaan kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia