
By Abdirahman Aynte
BBC,
Jimco, May 23, 2008
Ottawa, Canada (BBC) -
![]() |
| Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda ku meel gaarka, Cali Jaamac Jangali
|
Madaxdii halkaas ka hadashay waxaa kamid ahaa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kumeel Gaarka ah,
Dadkii shirkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa James Swan, oo ah ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan
Waa marka horee Mareykanku wuxuu dhiirri galinayaa buu yiri hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ka hirgala dalka Soomaaliya. Wuxuu Mr. Swan sheegay in dowladdiisu ay si kal iyo laab ah u taageersan tahay wada hadalka
Qodobka labaad ee uu Mareykanku sida weyn u daneynayo ayuu Mr. Swan ku sheegay inuu yahay in taageero bani’aadannimo lala gaaro dadka tabaalaysan, oo tiradoodu ay sii badanayso. Iyo waliba in hay’adaha DKMG ah laga kaabo xagga horumarinta.
![]() |
| James Swan, ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika
|
Mr. Swan ayaan waydiiyey sida hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay loo heli karo, marba haddii kooxaha mucaaradku ay diiddan yihiin inay si toos ah ula xaajoodaan DKMG ah, inta ay ciidammada Itoobiyaanku dalka joogaan.
Wuxuuna ku jawaabay:
“Waxay ila tahay in kuwa doonaya in ciidammada ajnabigu isaga baxaan Soomaaliya inay muhimadda siiyaan hannaanka dibu-heshiisiinta, iyo sidii xasillooni loogu soo dabbaali lahaa dalka, iyadoo wada hadal loo dhan yahay loo sii marayo.
Waxay ila tahay kuwa doonaya in marka hore ciidamada Itoobiya la saaro ay wax kala hormarinayaan. Waxaa loo baahan yahay in marka hore la helo hannaan dibu-heshiisiin iyo xaalad nabadgalyo oo wanaajisa ammaanka dalka, una saamaxda DKMG ah inay dalka xasiliso marka hore.”
Mar aan Mr. Swan waydiiyey sida la’isku waafajin karo in la takooro kooxaha ay Mareykanku xagjirka ku sifeeyaan, sida Al-Shabaab, iyo hadalkii ra’iisul wasaare Nur Cadde ee ahaa inuu diyaar u yahay inuu la fariisto kooxdaas, Mr. Swan wuxuu hoosta ka xarriiqay inay Soomaalida khuseyso ciddii wada hadli laheyd iyo ciddii is diidi lahayed.
Laakiin wuxuu intaas daba dhigay inuu Mareykanku caddeeyey in kooxaha qaarkood ay yihiin kuwa sida uu hadalka u dhigay wax-qalloociya, loona baahan yahay in dhinac loo riixo.
![]() |
| David Angel, Madax qaybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Canada
|
Cambaareyn kulul kaddib, Mr. Angel wuxuu sheegay in dowladda
Shirkan caalamiga ah waxaa qabanqaabidasiisa iska kaashaday ururro ay leeyihiin qaar kamid ah jaaliyadda Soomaalida ee dalkan
Sida uu ii sheegay Faarax Max’ud Cusmaan oo agaasime ka ah mid kamid ah
Laakiin waxaa iyana shirka ku bannaan baxay Soomaali kale oo sheegay in irdaha laga xirtay, isla markaana shirkan uu yahay mid lagu buunbuuninayo DKMG.
Fadumo Aawow Max’ed ayaa ku hadashay afka dadkii shirka ku bannaan baxay.
C/raxman Caynte, BBC,


