![]() |
|
Xaafadda Mayfair oo ka tirsan magaalada Johannesburg
|
Tuulooyinka uu boobku kadhacay ayaa ah ilaa iyo hada shan tuulo iyadoo isla manta boobku uu soo gaaray gudaha magalda Johannesburg meel eey ubadan yihiin Ganacsato kasoo jeeda Dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Jeep Street taas oo sababtay in albaabada la iskugu dhuftay intabadan xarumaha Ganacsiga ee Xafada ey Soomaalidu ubadanyihiin ee Mayfair xili la layahay meel lakala istago xafadaa oo laciireysa dad badan oo kasoo Qaxay xarumohoodii ganacsiga.
Cabdullaahi Farax Maalin oo kamid ah dadkii u gurmaday qaar kamid ah Dukaamankii laboobay ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyay in dadka boobka geysanayay ey careysnayeen eyna qarkood ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin "Hadeey nolol rabaan wadamadoodii ha ku labtaano iyo ereyo kale".
Arintan ayaan la ogeyn in ay tahay mid siyaasadeed ama mid isir naceyb ah iyadoo qof si macneynayo. Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Thabo Mbeki ayaa ku baaqay in la sameeyo guddi baarta dhibaatada lagu hayo dadka qoxootiga ah. Sidoo kale guddoomiyaha Xisbiga ANC Mr.Jacob Zuma ayaa daleeceyn u soo jeediyey dagaalka lagu hayo dadka ajinabiga ah ee ku nool waddankan Koofur Afrika.
Saciid Cabdulle Xerow
Johannesburg
South Africa
