Axad, May 18, 2008(HOL): Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa beeniyay in Markab shalay lagu qafaashay Xeebaha Soomaaliya uu waday Raashin Mucaawino ah oo ay ku deeqday Dowladda Denmark.
Afhayeenka Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale ayaa sheegay in Markabkaas uu u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, isla markaana ay aad ula yaabeen warka ay sii daayeen Wakaaladaha Wararka iyo Idaacadaha Caalamka qaarkood, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay caddeynayaan in uu Markabkaas u raran yahay ganacsato Soomaaliyeed.
Yuusuf Macallin oo ka mid ah ganacsatada uu Markabkaas u raran yahay ayaa sheegay in Markabka MV. Victoria ee shalay la qafaashay uu 6-dii bishan May ka soo shiraacday Dekedda Mombay ee dalka India, isla markaana uu wado 4,200 tan oo Sokor ah.
“Aad ayaan ula yaabnay warkaas sheegayay in Markabkaas uu waday Sokor Mucaawino ah, waxaanse u qaadanay Dowladda Jordan oo warka sidaas u sheegtay ay dooneysay in ay Maraakiibta dagaalka ee ilaalada ka haya Xeebaha Soomaaliya ay sidaas Markabka ku soo furtaan”ayuu yiri Ganacsade Yuusuf Macallin.
Markabka MV. Victoria ee shalay laga qafaashay Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan meel ku aadan Xeebta Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa haatan laga soo sheegayaa in uu gaaray Xeebta Gaan, iyadoo ay bed qabaan Shaqaalihii saarnaa oo dhalashooda isugu jirto Afrikaan iyo Aasiyaan.
Ugu dambeyntiina, Af-duubka Markabkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xeebaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin qaar ka mid ah Dalalka Reer Galbeedka, kuwaasi oo sheega in ay Xeebaha Soomaaliya ugu sugan yihiin in ay ka ilaaliyaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia