Axad, May 18, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca Buur-hakaba, isla markaana ku sii jeeday dhinaca deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan oo wadada u galay.
Dagaalka Ciidamada Itoobiyaanka lagu qaaday oo la sheegay in uu yahay mid culus ayaa ilaa iyo haatan waxaan la ogeyn khasaaraha uu geystay, waxayse dad u dhow deegaanka uu dagaalka ka dhacay ay sheegeen in ay arkayeen qiiq ka baxaya halka uu dagaalka ka dhacay, inkastoo aysan sheegin waxa uu ahaa qiiqaas.
Dagaalka lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay deegaanka Jaaq-biri-weyne ay fariisin ka sameysteen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka kala tegay magaalooyinka Baydhabo iyo Afgooye ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo Itoobiyaan ah weerar loogu geysto inta u dhaxeysa Buur-Hakaba iyo Leego, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo halkaas lagu weeraray, isla markaana loogu geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo bur bur gaadiid isugu jira.
Wixii dagaalkan ku soo kordha kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia