Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya oo la wareegay gacan ku heynta Deegaanka Kamsuuma

Cabirka Farta


Axad, May 18, 2008(HOL): Deegaanka Kamsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay gacan ku heyntiisa la wareegay Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

Kooxahan hubeysan ayaa la sheegay in ay si nabadgelyo ah deegaankaas ula wareegeen, iyadoo aaney jirin cid ka hor-timid oo diiday in ay deegaankaas gacan ku heyntiisa la wareegaan.

Deegaanka Kamsuuma ayaa wuxuu noqonayaa deegaankii labaad oo Gobollada Jubbooyinka ka tirsan oo ay Kooxahan la wareegaan, waxayna shalay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Jilib ee Gobollada Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay ka ceyrsadeen maleeshiyooyin deegaanka ah.

Maleeshiyooyinkii ku sugnaa Deegaanka Kamsuuma ayaa lagu soo waramayaa in markii ay maqleen Xoogagga ku soo wajahan ay halkaas isaga baxeen, iyagoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn meel ay aadeen. Lama oga meesha xigta ee ay kooxahan hubeysan la wareegi doonaan, waxaase loo maleynayaa in ay tegi doonaan deegaannada u dhow dhow deegaanka Kamsuuma oo ay xalay gacan ku heyntiisa la wareegeen.

Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ku soo xoogeysanayaan Degmooyin badan oo ka tirsan Gobollada Dalka Soomaaliya, waxayna dhawaanahan la wareegayeen gacan ku heynta Degmooyin ka tirsan Gobollada Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo haatanna ay u sii gudbeen dhinaca Gobollada Jubbooyinka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia