Axad, May 18, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo roondo ku marayay gudaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu weeraray bambo gacmeedyo, iyadoo weerarkaas iyo rasaas ka dambeysay oo ay ciidamada fureen-na ay sababeen dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah.
Ciidamadan oo socod roondo ah ku marayay nawaaxiga Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa bambooyin ku weeraray Kooxo hubeysan oo aan la garan, waxayna kadib ciidamadu ku jawaabeen rasaas xooggan oo laga maqlayay gudaha magaalada Baydhabo.
Dadka dhaawacmay oo tiradooda lagu sheegay seddex ruux ayaa waxay dhamaantood ahaayeen dad rayid ah oo ay haleeshay rasaastii ay Ciidamada fureen, waxaana haatan dhaawacooda lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxaa dhawaanahan ku soo badanaya falal amni darro ah oo isugu jira dilal loo geysto Saraakiisha Dowladda iyo weliba weerarro qaraxyo loo adeegsado oo lagu qaado Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee gudaha Magaaladaas ku sugan.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ayaa waxay weli fariisin KMG ah u tahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo magaaladaas u guuray 26-kii Febraayo 2005, waxaana sidoo kale ku yaala xafiisyada Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia