Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay inay Hay’adda UNDP ka heleen ballaanqaad mushaar-bixin ah

Cabirka Farta

Axad, May 18, 2008(HOL): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xaamud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay hay’adda UNDP ka heleen ballanqaad ku saabsan in ay bixin doonto mushaarooyinka shaqaalaha Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka.

Wasiirka waxaa uu sheegay in UNDP ay bixin doonto mushaarooyinka shaqaalaha Wasaaradaha muddo 6 bilood ah, iyadoo Wasaarad kastana mushaar loo siin doono 18 ruux.

Mar uu sii kala qaad-qaadayay Wasiirka sida ay mushaarooyinka u kala helayaan shaqaalaha wasaaradaha ayuu sheegay in Agaasimaha guud uu qaadanayo mushaar dhan 750$, Agaasime Waaxeedka 125$, Farsamayaqaannada Wasaaradaha ee Computers-ka ku shaqeeya 325$, Nadiifiyayaasha 113$.

Wasiirka Maaliyadda waxaa uu sheegay in dhaqaalahaas uu qeyb ka yahay miisaaniyad ay hay’adda UNDP siineyso Shaqaalaha Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna mahadcelin u jeediyay Hay’adda UNDP oo uu sheegay in ay mar kasta dhaqaale ku bixiso hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sababta ay mushaarooyinkaas uga bixin waayeen dhaqaalaha ka soo xarooda Dekedda Muqdisho ayaa la weydiiyay Wasiirka, wuxuuna sheegay in dhaqaalaha Dekedda ka soo xarooda uu yahay mid yar oo aan dabooli kareynin baahida shaqaalaha Dowladda, wuxuuse sheegay in uu kab noqon karo.

Hay’adda UNDP oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada ayaa waxay horay u bixin jirtay mushaarka Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya xiligii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ahaa Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo sidoo kalena dhaqaale ku bixin jirtay barnaamijyo lagu tababarayay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia