Ahmedou Ould-Abdallah oo rajo ka muujiyay in ay bilaaban doonaan Wada Hadallada ay yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah
Sabti, May 10, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay bilaaban doonaan wada hadallada ay yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Danjire Abdallah waxaa uu sheegay in haatan ay Dalka Jibouti ku  wada sugan yihiin guddiyadii wada hadallada uga qeybgeli lahaa labada dhinac, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay saacadaha soo socda bilaaban doonaan wada hadallada ay labada dhinac yeelanayaan.

Guddiyada ka kala socda labada dhinac oo ku wada sugan Magaalada Djibouti ayaa waxay kala degan yihiin labo Hotel, waxaana wada hadallo gooni gooni ah la leh wakiillo ka socda Qaramada Midoobay oo isugu jira kuwo ka yimid Xarunta Qaramada Midoobay ee New York kuwaasi oo khibrad u leh dhexdhexaadinta iyo kuwo kale oo ka tegay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya ee ku yaala magaalada Nairobi.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay u turaan Dadka Soomaaliyeed ee ay heysato Nabadgelyo la’aanta iyo weliba nolol xumida, isagoo farta ku fiiqay in aaney Dadka Soomaaliyeed u noqonin dhibaatooyin kale oo hor leh.

Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isna maanta la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadallada ay la yeelanayaan Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuse wax laga xumaado ku tilmaamay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Isbaheysigaas Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ahaa in aysan wax wada hadal ah la yeelaneynin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waan ka xunnahay in ay sidaas yiraahdaan sababtoo ah ma ahayn wax la isku ogaa, waxaanse ugu baaqeynaa in ay dadka u daneynayaan oo ay wada hadallada ka qeybgalaan, isla markaana ay ogolaadaan in laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in haddii ay wada hadallada bilowdaan ay miro wanaagsan ka soo bixi doonaan.

Ugu dambeyntiina, hadalladan rajada leh ee ay sii daayeen Danjire Ahmedou Ould-Abdallah iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu sheegay in aysan wax wada hadal ah la geleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shiikha ayaa sababta aysan ula hadleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ku sheegay iyadoo aysan dalka dowlad ka jirin sida uu u yiri, isla markaana ay dalka Soomaaliya Ciidamo Itoobiyaan ah ku sugan yihiin.

“Annagu ma aaminsanin in ay Dowlad ka jirto Soomaaliya, waxa kaliya oo aan ognahayna waa in ragga Dowladnimada sheeganaya ay yihiin daba-dhilifyo u adeega Itoobiya oo dembiyo dagaal galay, kuwaasi oo ay tahay in Maxkamad la hor-geeyo”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia