Sabti, May 10, 2008(HOL): Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan iyo qaar ka mid ah Xubnihii Maamulkiisa ayaa soo gaaray Deegaanka Jante-kuundisho kadib markii in mudo ah ay ku sugnaayeen Deegaanka Feer-feer ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Dib u soo laabshada Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobalka Hiiraan iyo xubnihii la shaqeyn jiray ayaa ku soo beegantay xilli Ciidamo Itoobiyaan ah fariisin ka dhigteen Deegaanka Jante-kuudisho, kuwaa oo dhawaan isaga oo baxay fariisinkoodii hore ee Degmada Buula-burte.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saacadaha soo socda la filayo in uu soo gaaro gudaha Magaalada Beledweyne Yuusuf Dabageed oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo qaarkood gelinkii danbe ee shalay lagu arkayay qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne.
Dadka ku dhaqan Magaalada ayaa markii ay arkeen Ciidamada Itoobiya oo aad u hubeysan islamarkaana Gudaha u soo galay Magaalada, waxaa ay bilaabeen in ay xireen meheradaha ganacsiga iyaga oo ka cabsi qaba weeraro Itoobiyaanku kala kulmaan kooxaha ka soo horjeeda oo in mudo ah gacanta ku hayay Magaalada Beledweyne, Lakiin taa ma'aysan dhicin oo saacado kooban kadib waxaa ay Ciidamadu dib ugu laabteen fariisinkooda Jante-kuundisho oo ay markii horeba ka soo tageen iyaga oo aan wadan wax gadiid ah.
Yuusuf Dabageed ayaa wali u muuqda in uu ku adkeysanayo in uu yahay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan xilli R/iisul Wasaaraha Dowladda Federaalku u soo magacaawday Gobalka Hiiraan Maamul Cusub inkastoo hadana inta badan xubnihii Maamulkii iska diideen xilalkii loo soo magacaabay.
Gobalka Hiiraan ayaa wali waxaa la oran karaa malaha hogaan sax ah oo ka taliya, waayo Xubnaha wali ku sii harsan Maamulka Dowladdu soo dhistay wali ma'aysan soo gaarin Gobalka, dhanka kalana Maamulkii hore kuma qanacsana sida Dowladdu wax u maamushay, meeshana waa ay ka baxeen kooxihii maalman ku sugnaa Magaalada mar hadii ay Itoobiyaanku soo dageen goob magaalada u jirta 5km, sidaa daraadeed la arki doonaan sida wax isku badalaan maalmaha soo socda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia