Dagaal waqti kooban socday oo saaa ka dhacay Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid

Sabti, May 10, 2008(HOL): Xaafado ka tirsan Deegaanka Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalkan oo socday qadar nus saac ah ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay, sabab la xiriirta iyadoo goobaha uu ka dhacay ay yihiin kuwo ay inta badan ka qaxeen dadkii deganaa.

Dad faro ku tiris ah oo ku noolaa xaafadaha u dhow halka uu dagaalka ka dhacay ayaa markii uu dagaalka bilowday waxay bilaabeen in ay guryahooda isaga cararaan iyagoo ka baqaya in ay rasaasta la isku ridayo waxyeello ka soo gaarto ama ay ciidamada Itoobiyaanka dhibaato gaarsiiyaan.

Xaafadaha ka tirsan Deegaanka Towfiiq, gaar ahaan kuwa u dhow Wadada Warshadaha Warshadaha ayaa waxay mar kasta martigeliyaan iska hor-imaadyo dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray meelihii ay saaka dagaallada ka dhaceen-na waxay sheegayaan in haatan ay xaaladda degan tahay, hayeeshee la arkayo Ciidamo Itoobiyaan ah oo holwgallo ka sameynaya halkii uu dagaalka ku qabsaday.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qaadaa weerarro tan iyo markii cagaha soo dhigeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo weerarradaasina ay ku qaadaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia