Agaasimaha Idaacadda iyo TV-ga SBC Mowliid Xaaji Cabdi oo Xoriyaddiisa dib u helay

Agaasimaha Idaacadda iyo TV-ga SBC Mowliid Xaaji Cabdi
Sabti, May 10, 2008(HOL): Waxaa xoriyaddiisii dib u helay oo la sii daayay Agaasimaha Idaacadda iyo TV-ga SBC Mowliid Xaaji Cabdi, kaasi oo ay Ciidamada Booliska Puntland ka kaxeysteen xafiiskiisa shalay subaxdii.

Agaasimaha oo dhowr iyo toban saacadood u xirnaa Ciidamada Booliska Puntland ayaa sababta lagu xiray waxay ku sheegeen saraakiisha ciidamadaas in Idaacadda ay si aan sax ahayn u sii deysay iska hor-imaad ka dhacay gudaha Boosaaso, halka Agaasimahana uu sheegay in ay kaliy warka u sheegeen sidii uu u dhacay.

Kadib dhowr iyo tobankaas Saacadood ee uu xirnaa Agaasimaha Idaacadda iyo TV-ga SBC wuxuu xoriyaddiisii dib u helay shalay maqribnimadii, iyadoo sii deyntiisana ay gacan ka geysteen Odayaal, Waxgarad iyo Culumaa’udiin.

Ilaa iyo haatan Ciidamadii xoriyadda ka qaaday Agaasimaha ma aysan bixin wax raaligelin ah bacdamaa wax dembi ah lagu waayay, isla markaana uu muddo saacado ah ku xirnaa meel aan lagu xirin qof mas’uul ah oo welibana aan wax dembi ah gelin.

Ma ahayn markii ugu horeysay ee ay Ciidamada Puntland xiraan Agaasimaha Idaacadda iyo TV-ga SBC, waxaana mar sidaan oo kale loo xiray sanadkii 2005, inkastoo xiligaas uu waqti kooban xirnaa, dabadeedna lagu sii daayay cafis uu u fidiyay Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu eedeeyaa in uu geysto tacaddiyo ka dhan ah Saxaafadda, waxaana horay loo xir-xiray Wariyayaal iyo Xarumo Warbaahineed oo ku yaala deegaannada Puntland, kuwaasi oo xarigooda lagu sababeeyay in ay baahiyeen waxyaabo aysan jecleysan mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia