Shiikh Shariif oo sheegay in aysan la fariisaneynin Dowladda Federaalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Sabti, May 10, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in aysan wada hadal ah la yeelaneynin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shiikha ayaa sababta aysan ula hadleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ku sheegay iyadoo aysan dalka dowlad ka jirin sida uu u yiri, isla markaana ay dalka Soomaaliya Ciidamo Itoobiyaan ah ku sugan yihiin.

“Annagu ma aaminsanin in ay Dowlad ka jirto Soomaaliya, waxa kaliya oo aan ognahayna waa in ragga Dowladnimada sheeganaya ay yihiin daba-dhilifyo u adeega Itoobiya oo dembiyo dagaal galay, kuwaasi oo ay tahay in Maxkamad la hor-geeyo”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Mar la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd waxa ka halaabaya haddii ay la fariistaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu sheegay in ay taasi noqoneyso in ay aqoonsadeen Dowladda Federaalka, ayna sharciyeeyeen joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay la fariisteen dad dembiy dagaal galay.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa mar sii horeysay oo uu ka qeybqaadanayay Barnaamijka Falanqeynta Jimcaha ee BBC-da ka baxa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu dhici karo kulan dhexmara dhinacyda isku haya Soomaaliya, isagoo weliba ka dhawaajiyay in ay lagama maarmaan tahay in xal diblumaasiyadeed loo helo dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

Hadalka Shiikh Shariif ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta la filayo in uu dalka Jabuuti ka furmo kulan ay isku soo hor-fariisinayaan Guddi min  7 Xubnood ah oo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo wada hadalkaasina uu yahay mid ay dhexdhexaadineyso Qaramada Midoobay oo dhawaanahan dadaal weyn ugu jirtay sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia