Qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha oo saaka xiran kadib dagaal shalay ka dhacay

Sabti, May 10, 2008(HOL): Waxaa saaka xiran oo aysan Dadka iyo Gaadiidkuba isticmaaleynin qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, gaar ahaan Isgoyska Florenze ee Degmada Wardhiigley, halkaasi oo uu maalintii shalay ahayd ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas ku sugan iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoyskaas ayaa sakaa waxay diideen in ay Wadada isticmaalaan Gaadiidka iyo Dadweynaha, kuwaasi oo inta badan adeegsada Wadadaas marka ay doonayaan in ay aadaan Suuqa Bakaaraha.

Markii ay Ciidamada diideen in Wadadaas la isticmaalo ayaa waxaa la arkayay Dadweyne raxan-raxan u socda, kuwaasi oo badankood u shaqo tegayay Suuqa Bakaaraha, iyadoo dadkaasina ay marayeen Waddooyin Xaafadaha dhexdooda ah.

Isgoyska Florenza ayaa ah meesha kaliya ee ay Ciidamada Dowladda kaga sugan yihiin Wadada Wadnaha, iyadoo Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag iyo Bakaaraha oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Dowladana ay haatan ku sugan yihiin Ciidamo gaar ah oo ka amar qaata Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Ugu dambeyntiina, Dadka degan nawaaxiga Isgoyska Florenza ayaa waxay qaati ka joogaan iska hor-imaadyada had iyo jeer Isgoyskaas iyo nawaaxigiisa ku dhexmara CiIdamada Dowladda iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay qoysas badan oo halkaas horay u deganaa ay guryahoodii ka barakaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia