Isniin, 31 March 2008 (HOL): Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee ka socda magaalada Hargaysa ayaa maanta lagu doortay hoggaanka Xisbiga hoggaamin doona shanta sano ee soo socda, kuwaas oo kala ah, Gudoomiye,Afar Guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye guud.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye-Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Shirweynaha oo ay maanta ka soo xaadireen 503 Ergay ayaa waxa gudoomiye loo doortay Axmed Maxamed Siilaanyo, ka dib markii ay codkooda siiyeen 497 ergay, waxaa kale oo guddoomiye ku xigeen u tartarmay Muuse Biixi Cabdi iyo Ibraahin Dhegaweyne, waxaana 330 cod ku guulaystay Muuse biixi, halka Ibraahin dhegaweyne-na uu ka helay 182 cod.
Waxaa gugdoomiye labaad ku guulaystay C/raxmaan C/qaadir, markuu kaga guuleystay Cali Cabdi Cilmi 455 cod, halka Cali Cabdi ka helay 7 cod, guddoomiye Sadexaad ku guulaystay C/raxmaan Talyaani oo haley 451 cod, halka Bashiir Xirsi oo la tartarmayayna uu ka helay 20 cod.
Waxaa guddoomiye xigeenka Afaraad ku guulaystay C/raxmaan C/llaahi Saylici oo helay 480 cod, halka C/raxmaan Maxamed Jaamac oo la tartamayna uu helay 34 cod. Sidoo kale waxaa Xoghayaha Guud ku guulaystay Kayse Xasan Cige, oo helay 277 cod, halka Sahra Maxamed Xuseen oo la tartarmaysayna ay heshay 236 cod.
Ugu dambeyntiina, waxaa dib u habayn iyo saxid lagu sameeyay Dastuurkii Xisbiga oo shalay Buuq badani ka dhashay, waxaana ansixintiisa u codeeyay 482 cod,11xubnood way diideen, 4 xubnoodna way ka amuuseen.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland