Isniin, March 31, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde oo ka tirsan Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Weerarka ay Kooxaha hubeysan ku qaadeen fariisinkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamadii fariisinkaas joogay, kuwaasi oo la sheegay in weerarka si gaadmo ah loogu qaaday.
Sidoo kalena kooxihii weerarka ku soo qaaday fariisinkaas ayaa waxay qaateen lacag fara badan oo ciidamada u taalay fariisinkaas, taasi oo ahayd mid laga qaaday gaadiidka safarka ah ee isticmaala wadada dhinaca bari uga baxda Magaalada Muqdisho ee u kacda Gobollada Dhexe, sidoo kalena kooxahaas soo weeraray Ciidamada Dowladda waxay kaxeysteen Gaari Dagaal oo ay lahaayeen Ciidamadii Dowladda.
Dagaalka ay kooxaha hubeysan xalay ku qaadeen fariisinka Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku yaala deegaanka Ceel Cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddooyinkan dambe ay soo badanayeen Weerarrada ay Kooxaha ka soo horjeeda ku qaadaan fariisimada ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Deegaannada ka baxsan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia