Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolyaga oo ka warbixiyay waxqabadkiisa intii u dhaxeysay 2005-2007

Isniin, March 31, 2008(HOL): Guddoomiyaha Xiriirk Soomaaliyeed ee Kubadda Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa wuxuu ka warbixiyay waxyaabihii uu qabtay xiriirka intii u dhaxeysay sanadihii 2005 ilaa 2007.

Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu sheegay in Xiriirka Kubadda Kolayga oo aanu soo gelin wax dhaqaale ah hadana uu sanad walba hirgeliyo horyaallo u qorsheysan sida midka Jen. Daa’uud  oo kale, iyadoo uu xusay inay u sii dheer yihiin xusas Isboorti oo loo sameeyo maalmaha Taariikhiga ah iyo munaasabado kale.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga waxaa uu sheegay in Xiriirka uu ka qeybgalo tartamo dibadda ah oo qaarkood lagu qabto Wadamo ka tirsan Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, iyadoo sidoo kalena uu ka qeybgalo Shirar iyo Seminaarro muhiim u ah Qaranka Soomaaliyeed.

Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed -Aadan Xaaji Yabarow Wiish
“Xiriirka Soomaaliyeed ee K/koleyga waxaa hoos yimaada Naadiyo iyo Kooxo si joogta ah uga qeybgala tartamada aan kor kusoo xusnay, sida la ogsoonyahayna waxay naadiyadaan wax ku wadaan habka loo yaqaan “iskaa wax u qabso”, macalimiinta iyo ciyaartooydana waxay u howlgalaan si mutadawacnimo  ah, taas ayaana keentay in Naadiyada iyo Kooxaha hoos yimaada Xiriirka ka sii bataan sanadba sanadka ka dambeeya”ayuu yiri Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolyaga Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo intaas ku sii daray in Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga, Garsoorayaasha, Madaxda Naadiyada, Kooxaha iyo Tababarayaashaba ay ka dhaxeyso wada shaqeyn iyo wada tashi.

Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga waxaa uu intaas kadib mahadcelin u jeediyay Shaqsiyaad iyo Hay’ado uu sheegay in ay gacan lama iloobaan ah ka geysteen sidii uu horay ugu mari lahaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga warsaxaafadeedka wuxuu ku soo bandhigayaa horumarka uu ku tilaabsaday mudada kor ku xusan waxaa gacan lama iloobaan ah ka geestay haddii ay noqon laheyd mid maaliyadeed, mid talo, mid farsamo, qalab iyo mid warfaafineedba muwaadinin soomaaliyeed oo isugu jira musuuliyiin ka tirsan xiriirka, Hay’ado iyo shaqsiyaad ku takhasusay ciyaarta kubbadda koleyga, waxayna kala yihiin: Inj. Baana Cabdala  Maxamed oo ah oo ah Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka K/Koleyga deganna London, iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga uu gudoonsiiyay Bilad Dahab ah oo ku mudeystay waxqabadkiisa ku wajahan isboortiga guud ahaan gaar ahaana K/Koleyga. Cumar Anyeelo oo ah tababaraha xulka Qaranka wiilasha K/kloeyga deganna London. Cabdul Caziz Godax Barre oo xiriirka u qaabilsan xagga farsamada, deganna Finland. Dr. Cali Cusman Cali oo mar xiriirka kasoo noqday xoghaye, isla markaana noqday xoghayaha Guddiga Olymbikada Soomaliyeed, deganna Dalka Mareykanka. Axmed Daahir Axmed oo kamid ahaa xulkii Qaranka Wiilasha K/Koleyga ee Soomaaliya, deganna Dalka Mareykanka”ayuuna yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Intaas kadib Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu baaq u diray Dadka ku abtirsada Isboortiga, gaar ahaan Ciyaarta Kubadda Kolayga ee ku nool dalka dibaddiisa, kuwaasi oo uu ka codsaday in ay gacan ka geystaan habsamo u socodka tartamada ka socda dalka gudahiisa.

Ugu dambeyntiina, waxaa uu Aadan Xaaji Yabarow Wiish u mahadceliyay Idaacado iyo Website-yo uu sheegay in ay dhaqdhaqaaqyada Isboorti , gaar ahaan kuwa Xiriirka Kubadda Kolayga ay gaarsiiyaan Dibadaha, wuxuuna ka xusay Idaacadahaas iyo Website-yadaas:

Idaacado

Somaliweyn
Banadir
VOD
Simba
Radio Mogadishu,

Website-yo

www.aipsmedia.com
www.hiiraan.com
www.somaliweyn.com
www.dayniile.com
www.somsports.com
www.somalisports.com
www.kubadda.com

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia