Dagaal ka dhacay Isgoyska Florenza ee Muqdisho

Isniin, March 31, 2008(HOL): Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan  oo ka soo horjeeday.
 
Dagaalkan oo bilowday kadib markii saaka nawaaxiga Isgoyska Florenza ay soo degeen Ciidamo Gaadiid dagaal watay, kuwaasi oo markii ay cabaar joogeen halkaas ay weerar ku soo qaadeen Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa wuxuu geystay dhimashada Hal ruux iyo dhaawaca Seddex ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa Dad rayid ah oo ay haleeshay rasaas habow ah oo qeyb ka ahayd tii ay isku ridayeen  labada dhinac.

Dagaalkan oo qadar daqiiqado ah socday ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka isticmaala Wadada Wadnaha, taasi oo muddo saacad ah ay suurtagal noqon weysay in la isticmaalo.

Dad degan nawaaxiga Isgoyska Florenza ayaa waxay wel wel ka muujinayaan iska hor-imaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan ee weerarka ku soo qaaday, iyadoo ay jireen dhowr jeer oo hore oo ay labadan dhinac dushooda ku dagaalameen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wadada Wadnaha ayaa haatan waxay Ciidamada Dowladda kaga sugan yihiin kaliya Isgoyska Florenza, iyadoo Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag, Bakaaraha iyo Kaasabolbollaare oo ay horay ugu sugnaayeenna ay haatan joogaan Ciidamo ka amar qaata Ganacsatada Gobolka Banaadir, kuwaasi oo howshooda tahay inay ilaaliyaan Suuqa Bakaaraha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia