Isniin, March 31, 2008(HOL): Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Somaliland, Md. Cabdi Xasan Buuni, ayaa sheegay in habeenkii axaddu soo galaysay lagu soo weeraray guriga uu degan yahay ee Dhinaca galbeed ee magaalada Hargeysa, xiligaasi oo ay guriga ku sugnayeen isaga iyo sadex qof oo kale, waxaanu sheegay inaanu wax khasaare ah soo gaarin.
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in lagu soo weeraray Bam-Gacmeed, kaas oo gurigiisa lagu soo tuuray waqti uu sheegay inay ahayd saqdii-dhexe ee habeenimadii Axaddu soo galaysay, ku beegnaan 12-habeenimo ama Lix saac ee habeenimo.
Wasiirku wuxuu sheegay in banbaanada qacanta ee guriga lagu soo tuuray ay sameeyeen godad, waxaana isla markii goobta soo gaadhay Booliska caasimada Sl ee Hargeysa.
Wasiirka oo la waydiiyay bal inuu cid ku tuumayo weerarkan lagu soo qaaday gurigiisa, ayaa sheegay inaanu hadda cidna ku eedaynayn, cidna aanu ka shakisnayn, balse ay booliska gacanta ku hayaan baadhitaanka falkan .
Taliyaha booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa sheegay inay qabteen sadex nin oo lagu tuunsan yahay in ay Lug ku lahaayeen falkan, suaalana lagu waydiinayo xarunta boliiska.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland