Isniin, March 31, 2008(HOL): Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo C/rashiid Cali Cabdulle ayaa sheegay in sun loo qooshay oo la doonayay in lagu dilo ay Qoyskiisa ku sumoobeen.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dad uu tuhmayo inay siyaasad ahaan uga soo horjeedaan ay suntaas geeyeen gurigiisa, wuxuuna tilmaamay in la doonayay in in uu cuno suntaas oo subag loogu soo daray, kadibna uu sidaas ku dhinto.
“Subaggii Sunta lagu soo daray waxaa cunay oo ku sumoobay Xaaskeyga iyo labo Caruur ah oo aan dhalay, kuwaasi oo hadda lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Baydhabo”ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Cali Cabdulle oo sheegay in dhaqaatiirta Isbitaalka Baydhabo ay ku dadaalayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen Qoyskiisa.
Dr. Maxamed Xuseen Timir oo ah Dhaqtarka daweynaya Qoyskan la sumeeyay ayaa wuxuu sheegay in xaaladda labada Caruurta ah ay wanaagsan balse ay daran tahay Xaaska Xildhibaanka oo uu sheegay in ay matageyso, isla markaana ay dhiig gadaasha ka sii deyneyso.
Dr. Timir oo ka hadlayay sida qoyska loo sumeeyay waxaa uu sheegay in Weel sun ku jirtay Subag lagu shubay, kadibna ay Suntii Canjeelo ku cuneen Hooyada iyo Labada Caruurta ah ee ay dhashay, sidaasna ay ku sumoobeen.
Falkan cadawtinimada ah ee Qoyskan lagu sumeeyay ayaa waxaa si weyn uga xumaaday Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ay u tahay markii ugu horeysay oo ay la kulmaan dhacdo xaasidnimo ah oo noocan oo kale ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia