Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Maxaabiistii uu cafiska u fidiyay ee lagu qabtay Dagaalladii Somaliland iyo Puntland

Madaxweynaha Somaliland-Daahir Rayaale Kaahin
Talaado, 25 March 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saaka ka qeyb galay xaflad lagu sii sagootiyay 76 maxbuus oo uu dhawaan cafis u fidiyay oo lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Dhaban-saar iyo Laascaanood.

Maxaabiistaasi oo isugu jira 68 Maxbuus oo u dhashay Gobolada Sool iyo Buuhoodle, halka 8 maxbuusna ay u dhasheen maamul goboleedka Puntland.

Xafladii lagu sii sagootiyay maxaabiistaasi, oo lagu qabtay Hoolka Haa’yada shaqaalaha dawlada,  ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qeyb galay Wasiirada hawlaha guud, Cadaalada, Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud, Axmed Cabdi Xaabsade, odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobolka Sool.

Madaxweynaha Somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin, oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Runtii halkan (Goobtaa Xafladda) hadal badan umaan iman, inaan idin arko oo kalmaydayda aan idin idhaahdo uun baan u imid, waxaan idin leeyahay intiina Somaliland u dhalatay dalkiinii baad joogtaan ee ku soo dhawaada, ninkii shaqo raba iyo ninkii iskii u shaqeysanayaba  wuu u madax banaan yahay.”

Muuqaalka Maxaabiistii uu Madaxweynaha cafiska u fidiyay
Md Daahir Rayaale Kaahin, oo si gaar ah ula hadlayay maxaabiista u dhalatay Puntland waxa uu yidhi “Qoladaa kale ee aanu jaarka nahay [Puntland] ee walaalaha aanu nahay waxaan leeyahay safar fiican inaad magaalooyinkiinii ku tagtaan.” Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan odhan karaa in Somaliland guaheedu isku dhac-dhacdo wax fiican ma aha, laakiin duruufaha iyo wakhtiga yimid baa keenay in mar mar ay timid. Waxaan xasuustaa Dayr Cabdi Iska-toose, oo aanu halkan wada joogaynay, horena aanu isku naqaanay, raggii Somaliland wax ka aasaasayna ahaa run ahaantii, waxaan jecelahay in wixii horena la ilaawo walaaltinimadana halkeedii laga wado. Waxaan idiin rejaynayaa in aynu nabad ku noolaano, ilaahayna wixii khilaaf ah inaga saaro.”

Wasiirka Hawlaha guud Md Siciid Sulub Maxamed, oo xafladaasi hadal kooban ka jeediyay, ayaa waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne waxa xafladan jooga muwaadiniintii  reer Somaliland ee ka faa’iidaystay cafiskaaga oo ah 68 qof iyo 8 oo reer Puntland ah, waxana ay kaaga mahad-naqayaan cafiska aad u fidisay.”

Dayr Cabdi Iska-toose, oo ku hadlayay magaca maxaabiistaasi la cafiyay, ayaa aad uga mahad naqay sida loo sii sagootiyay, waxana uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay xafladan balaadhan ee naloo soo agaasimay ee uu ka soo qeyb galay Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland, waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa odayaashii cafiskayaga soo doonay, waxaanu aad ugu mahad naqaynaa  Madaxweyne Rayaale oo odayaashii ka aqbalay cafiskayagii.” Waxaanu intaa sii raaciyay oo uu yiri,

“Waxaanu iska dhigaynay in aanu gurigayagii nimid, wax dhibaato ah oo naloo geystayna ma jirto, haddii ay tahay jeelka Burco iyo jeelka Mandheera labadaba, si fiican ayaa naloogu hayay, saraakiishii iyo askartii jeelashaasi waxaan u dirayaa Hambalyo”
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland