Fannaan Axmed Nuur Jaangow oo Muqdisho ku geeriyooday

Talaado, March 25, 2008(HOL): Waxaa saaka ku geeriyooday Magaalada Muqdisho marxuum Axmed Nuur Jaangow oo ka tirsanaa Fannaaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed.

Marxuumka oo aan horay u qabin wax xanuun ah ayaa saaka waaberigii isagoo gurigiisa jooga waxaa looga soo booday Wadnaha, kadibna waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina oo uu ku geeriyooday.

Majaajiliistaha weyn Cabdulle Cabdi Maxamuud (Oday Cabdulle) ayaa xaqiijiyay geerida marxuumka, wuxuuna sheegay in ay haatan ku howlan yihiin sidii marxuumka loo aasi lahaa, isagoo sheegay in lagu aasi doono Qabuuro aan ka dheereyn Isbitaalka Madiina.

Marxuum Axmed Nuur Jaangow ayaa wuxuu ahaa Fannaan Heesaha Laxanka saara, mararka qaarkoodna Heesa, wuxuuna ka mid ahaa Fannaaniinta aan dalka dibadda uga bixin tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore.

Marxuum Axmed Nuur Jaangow wixii ka horeeyay burburkii dalka ka dhacay waxaa uu ka tirsanaa Kooxdii Horseed ee Ciidanka Soomaaliyeed, taasi oo hees badan oo ay Fannaaniinteeda qaadeen uu Laxan u sameeyay, sidoo kalena marxuumka waxaa uu  la shaqeyn jiray Kooxdii Hobollada Qaranka ee Waaberi.

Marxuumka wuxuu waayadan dambe ka tirsanaa Koox lagu magacaabo Horyaal Band, taasi oo ay ka wada tirsanaayeen Fannaaniin aan iyana dalka ka bixin, kuwaasi oo ka soo muuqan jiray marar kooban bandhig faneendyo loogu talagalay munaasabado gaar ah oo ay sameystaan Hay’ado iyo Ururro Bulsho oo fadhigoodu yahay  Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia