Talaado, March 25, 2008(HOL): Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Urur Maxli ah oo lagu Magacaabo Geelo islamarkaana ay ka qeyb-galaan Xubno ka socda Ururadda Haweenka iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa waxaa siweyn loogga dooday Doorka haweenku ku lee yihiin ka qeyb-galka Armaha Tastuurka Qaranka.
Sahro Max'ed Abtidoon oo ah Madaxa Ururka Geelo ee soo qaban qaabiyay kulanka ayaa u sheegtay HOL in u jeetadu tahay marka hore in haweenku Fahmaan Kaalinta ay ku lee yihiin Tastuurka Qaranka taa oo u sahli karta qofka Dumarka ah in uu ka doodo doorkiisa iyo waliba Xaqa uu u lee yahay in uu ka qeyb-galo Laamaha Dowladda.
Ka soo qeyb-galyaashii kulanka ayaa siyaabo kala duwan ugga hadlay sidda ay u arkaan casharo iyo waliba warbixino ay halkaa ka soo jeediyeen Mas'uuliyiinta Ururka soo qaban qaabiyay Kulanka, gaar ahaan waxaa ay farta ku fiiqeen haweenku in caqabadaha ugu horeeya lagu tilmaami karo Aqoontoodda oo Liidata iyo waliba mar marka qaar Ragga oo isku arka in ay iyaggu yihiin kuwa iska leh Mudnaanta oo idil.
C/laahi Sabriye Xalane (Fiyoore) oo ka mid ahaa Aqoon-yahanadii ka qeyb-galay Kulanka ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay Doorka haweenka iyo waliba sidda aan looga maarmin in laga qeyb-galiyo taladda dalka, waxaana uu sheegay in maanta duniddu mareyso heer haweenku ay hogaamiyaan isagga oo Tusaale u soo qaatay Dalka Leybeeriya iyo waliba dalal badan oo ka tirsan Qaaradda Aasiya.
Laakiin Fiyoore waxaa uu xoogga saaray in intaa oo dhan ay ka horeyso marka hore in haweenku Xooga saaraan dhinaca Aqoonta waayo ayuu yiri Qofka Dumarka ah ee aan Aqoonta laheyn xitaa waxaa ku adkaaneysa sidii uu gurgiisa ku Maamuli lahaa.
Faadumo Xaji Af-cadey oo ah Madaxa Ururka haweenka Gobalka Hiiraan ayaa sheegtay in si Haweenku u helaan xaqa ku lee yihiin Sharcigga ama Tastuurka loo baahan yahay marka hore in Ragga Mas'uuliyada haya laga dhaadhiciyo in qofka dumarka ah xaq u lee yahay ka hadalka arimaha quseeya taladda dalka, waxaana ay Tusaale u soo qaadatay tacadiyo loo geystay sidda ay hadalka u dhigtay haween doonaya in ay ka qeyb-galaan shirir lagu qabtay Gobalka Hiiraan.
Sahra Max'ed Abtidoon waxaa ay sheegtay in dhawaan la qaban doono shir weyn ay qaban qaabadiisa ay waddo hay'adda UNDP kaa oo looga doodi doono kaalinta haweenku kagga jiraan Nidaamka Dowladda, lakiin waxaa ay intaa raacisay in kulamadi yihiin kuwo lagu sii wacyi galinayo dumarka si markaa ay u famaan xaqa uu iyagga siinayo Tasuurka Qaranka.
Waana Markii ugu horeysan oo Gobalka Hiiraan lagu qabto kulan Dumarku kaga Doodayo arimaha Tastuurka Qaranka maadama inta badan haweenku sheegaan in lagu xaqiro arimaha Tastuurka ama la duusiyo xaqa uu iyagga siinayo.
Dhinaca kale Ururka Geelo ayaa ka hergaliyay Magaladda Beledweyne Xarun ay wax ku bartaan Gabdhaha oo kaliya kaa oo ay ilaa hadda ay dhigtaan in ka badan 70 Gabdhood, waxaana siddda ay sheegtay Madaxa Ururka Geelo Sahro Max'ed Abtidoon daraasad uu sameeyay ururku uu ku ogaaday in sababaha Gabadhuhu ugu yar yihiin duggsiyada waxbarashadu tahay dhaqaale xumo, waana tan keentay ayeey tiri in Ururku hergaliyo waxbarasho lacag la'aan ah oo loogu tala galay Gabdhaha oo kaliya.
Ugu danbeytiina waxaa ay sheegtay in ay wadaan wacyi galin la xiriirta in Gabadhu aysan ku deg degin guurka si markaa aysan ugga harin waxbarashada iyo waliba xitaa hadii ay gabadhu guursato in ay ay sii wadan karto wabarashadeeda maadaama ay jiraan Gabdho badan oo isagga haray wabarashada kadib markii Aqal galeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Kulan socday hal maalin oo looga hadlayay doorka Haweenka ee ka qeyb-galka Arimaha Tastuurka oo lagu soo gebagebeeyay Magaaladda Beledweyne
More News
- Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Maxaabiistii uu cafiska u fidiyay ee lagu qabtay Dagaalladii Somaliland iyo Puntland
- Wafdi ka socday Midowga Yurub oo Muqdisho kulamo kula qaatay Dowladda Federaalka, Odayaasha Hawiye iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed
- Fannaan Axmed Nuur Jaangow oo Muqdisho ku geeriyooday
- Qof rayid ah oo ku dhaawacmay Bam lagu weeraray Shineemo ku taala Magaaladda Beledweyne.
- Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku eedeeyay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha inay gacan siiyaan kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda
- Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo beeniyay in ay gacan saar la leeyihiin Kooxaha la dagaalama Dowladda Federaalka Soomaaliya