Talaado, March 25, 2008(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa beeniyay war uu sii dayaya Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaasi oo ahaa in kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya laga soo abaabulo gudaha Suuqa Bakaaraha.
Cali Dheere waxaa uu sheegay in warkaas uu la yaab ku noqday, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax haba yaraatee ka jira inay gacan saar leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda federaalka Soomaaliya.
“Annaga Dowlad iyo Kooxo ka soo horjeeda cid aan gacan-saar leenahay ma jirto, waxaa nahay ganacsato nolol maalmeedkooda ka raadsada Suuqa Bakaaraha, sidaas darteed waxaan leeyahay Shaacshaac iyo Dadka la midka ah haka waantoobeen wararka aan jirin ee ay ka faafinayaan Suuqa Bakaaraha.
Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha waxaa uu sheegay in dhowr jeer oo hore sidan oo kale loogu eedeeyay in ay gacan siiyaan Kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda, wuxuuna sheegay in markii eedeyntaas loo soo jeediyay kadib ay Suuqa soo galeen Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo dhibaato ka geystay gudaha Suuqa Bakaaraha.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Guddoomiyaha ganacsatada Gobolka Banaadir ka jawaabo eedeymo uga yimid dhinaca saraakiisha Ciidamada Dowladdda Federaalka iyo weliba kuwa Amisom, waxayna ahayd mar sii horeysay oo uu beeniyay war ay sii daayeen Saraakiisha Ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga, kuwaasi oo sheegay in madaafiic hoobiyayaal ah oo lagu garaacay Dekedda Muqdisho laga soo tuuray Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia