Talaado, 25 Mar 2008 (HOL) Bam kuwa Gacata laga tuuro ah ayaa habeenimadii xalay lagu weeraray Goob shaleemo ah Bartamaha Magaladda Beledweyne xili dhalinyaro aad u badan ay ka daawanayeen Aflaan kala duwan sidda uu HOL u sheegay Milkiilaha Shaleemadda weerarka lagu qaaday.
Inkastoo aysan waxba soo gaarin dhaliyaradii ku jirtay Gudaha Shaleemadda ayaa haddana waxaa weerarkaa ku dhaawacmay Qof dumar ah oo Khaad ku iibineysay meel aan ka fogeyn shaleemadda la weeraray waxaana markiiba soo gaaray goobta Ciidamo kuwo Baliiska oo kala diray dad isku soo baxay daawashadda sida wax u dhaceen.
Maalmihii aynu soo dhaafanay ayaa waxaa jiray Warqado digniin ah oo aan la ogeyn cidda qortay kuwaa oo looga digayay dadka gaar ahaan dhalinyaradda in ay ka fogaadaan goobaha lagu daawaddo Aflaanta, waxaana ay arintaa keentay in qaar ka mid ah Shaleemoyinku sameystaan Ciidamo ilaalo ah, iyadda oo weerarkii xalay uu noqonayo fariin loo dirayo wali dadka iyagu sidda weyn u xiiseeya daawashadda Aflaanta.
Dhanka kale Col. Axmed Cilmi Guuto ayaa mar kale ku celiyay in uusan ka mid aheyn Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Federaalka iyo kan Maamulka Gobalka Hiiraan, waxaana uu intaa raaciyay in wixii hadda ka danbeeya uu ka mid ah yahay Odayaasha Gobalka Hiiraan,
""Hadii aan Xil rabo Waxaan hayay Xil aad u weyn oo aan isagga soo tagay, hubkii aan hayayna waxaan ku waraajiyay Beelihii aan markii horeba ka qaaday, hadii ay doonaan iyaggu mar kale Dowladda ha ku celiyeen, ayuu intaa raaciyay Guuto oo dhanka kale sheegay in uu dhax dhaxaad ka hayay dhinacyadda isku haya Siyaasadda dalka Soomaaliya.
Hadalka Col. Guuto ee ku aadan in uu faraha kala baxay howlihii Dowladda Federaalka ayaa muujineysa ayaa meesha ka saareysa warar maalmihii aynu soo dhaafnay laysla dhaxmaray oo sheegayay in uu jiro xiriir u dhaxeeya Isagga iyo waliba Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Federaalka, taa oo hadda u muuqta mid waxba kama jiraan ah.
Col. Axmed Cilmi Guuto iyo Ciidamo uu wato ayaa horaantii Bishii Ina dhaaftay isagga soo goostay Xeradda Balidoogle ee Gobalka Shabeeladda Hoose kadib markii sidda uu sheegay lagu sameeyay isagga iyo waliba Ciidamadii uu Mas'uulka ka ahaa sidda uu hadalka u dhigay Cadaalad daro.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Qof rayid ah oo ku dhaawacmay Bam lagu weeraray Shineemo ku taala Magaaladda Beledweyne.
More News
- Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Maxaabiistii uu cafiska u fidiyay ee lagu qabtay Dagaalladii Somaliland iyo Puntland
- Wafdi ka socday Midowga Yurub oo Muqdisho kulamo kula qaatay Dowladda Federaalka, Odayaasha Hawiye iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed
- Fannaan Axmed Nuur Jaangow oo Muqdisho ku geeriyooday
- Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku eedeeyay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha inay gacan siiyaan kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda
- Kulan socday hal maalin oo looga hadlayay doorka Haweenka ee ka qeyb-galka Arimaha Tastuurka oo lagu soo gebagebeeyay Magaaladda Beledweyne
- Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo beeniyay in ay gacan saar la leeyihiin Kooxaha la dagaalama Dowladda Federaalka Soomaaliya