Wafdi ka socday Midowga Yurub oo Muqdisho kulamo kula qaatay Dowladda Federaalka, Odayaasha Hawiye iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed

Talaado, March 25, 2008(HOL): Wafdi ka socda Midowga Yurub oo saaka barqadii ka soo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay kulamo la qaateen Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka, Odayaasha Hawiye iyo Xubno ka socda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Wafdigan ka socda Midowga Yurub oo markii hore kulamo la yeeshay Odayaasha Hawiye iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii waxay kulamo la qaateen madaxda Dowladda Federaalka ee Muqdisho ku sugan, iyagoo kala hadlay arrimo ku saabsan sida loo wajahi karo Dib u heshiisiinta ay ku baaqaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay Xubnaha Odayaasha Hawiye ee la kulmay Wafdiga ka socday Midowga Yurub ayaa wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen Midowga Yurub sida ay meel mar u noqon karto dib u heshiisiinta uu ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna sheegay inay u gudbiyeen Wafdiga ka socday Midowga Yurub sida ay la tahay in xal lagu gaari karo oo uu sheegay in ay ugu horeyso in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya.

“Xubnaha Wafdiga waxay na weydiiyeen in haddii ay Itoobiyaanka baxaan ay dhibaatada ka sii dareyso, isla markaana la weerarayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana u sheegnay in haddii Ciidmada Itoobiya baxaan aaney jiri doonin dhibaato loo geysan doono Dowladda Federaalka”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Ilaa iyo haatan lama oga waxayaabaha ay ka wada hadleen Madaxda Dowladda iyo Wafdiga ka socday Midowga Yurub, walow Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon uu sheegay in marka uu soo dhamaado kulanka u socda Madaxda Dowladda iyo Wafdiga Midowga Yurub ay kadib si wadajir ah shir jaraa’id u qaban doonaan.

Wafdigan ka socday Midowga Yurub oo ay hoggaamineysay safiiradda Dowladda Faransiiska u fadhida Dalka Kenya Ambassador Elizebeth Barbar ayaa waxaa xubno ka ahaa safiirro ka socdya Dalalka Norway, Italy, Belgium iyo kuwo kale, mana ahayn markii ugu horeysay oo uu wafdigan yimaado Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimaddiisa Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia