Shir looga hadlayo Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo Muqdisho uga socda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Golahiisa Wasiirrada

Axad, March 02, 2008(HOL): Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta wuxuu shir aan caadi ahayn isugu yeeray xubnaha Golahiisa Wasiirrada inta ka joogta Magaalada Muqdisho, wuxuuna shirkaasi ahaa mid aan qorsheyneyn oo si deg deg ah loogu yeeray  Xubnaha Golaha Wasiirrada.

Shirkaas oo la sheegay in ay xitaa ka qeybgaleen Taliyayaasha Ciidamada Nabad-sugidda, Booliska iyo Mileteriga, isla markaana ay albaabada u xiran yihiin ayaan wax faah faahin ah laga bixin waxyaabaha looga hadlayo, waxayse warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo shirkaas ku dhow ay sheegayaan in looga hadlayo dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta dhac ka geystay Suuqa Bakaaraha.

Shirka oo weli socda ayaa wuxuu yahay mid xasaasi ah oo lagu lafo gurayo xaaladda Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Ciidamada ku hareereysan oo mar kasta dadka Suuqa u shaqo taga iyo kuwa wax ka soo iibsada ay dhibaato ka sheeganayaan, inkastoo aysan meesha ka marneyn sida iyana laga yeelayo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ee weerarrada ku soo qaada fariisimada Ciidamada Dowladda.

Shirkan deg degta ah ee uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde isugu yeeray Xubnaha Golahiisa Wasiirrada ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta ay gudaha u galeen Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dhac u geystay goobo ganacsi oo dadkii lahaa ay maqnaayeen, halka ay sidoo kale qaateen qalab ay ku shaqeynayeen Idaacadaha Simba, Shabeelle iyo Horn Afrik, kuwaasi oo dhamaantood ku yaala Suuqa Bakaaraha, haatanna hawada ka maqan.

Wixii ka soo baxa Shirkaas kala soco Hiiraan Online Haddii Alle Idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia