Axad, March 02, 2008(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa maanta wuxuu yahay mid aaney ka soconin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah, waxaana albaabada u laaban yihiin dhamaan goobaha ganacsiga.
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen Suuqa Bakaaraha, iyagoo ka galay Isgoysyada Bakaaraha iyo Howl-wadaag, iyadoo ciidamadaasna ay yihiin kuwo wata gaadiidka dagaalka oo mararka qaarkoodna rasaas kor u ridaya.
Dad shalay ku go’doomay Suuqa Bakaaraha intii uu dagaalka socday ayaa saaka markii uu waaga baryay waxay ka baxeen Suuqa Bakaaraha, iyagoo dib ugu laabtay guryahooda oo ay ka soo tageen shalay subaxnimadii.
Dad weli ku harsan Suuqa Bakaaraha ayaa waxay sheegayaan in ay jirto cabsi ku saabsan inay Ciidamada dhac u geystaan goobaha ganacsiga sidii todobaad ka hor ka dhacday Suuqa Bakaaraha xili ay Suuqa gudaha u galeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu yahay Suuqa ugu weyn Soomaaliya, waana isha dhaqaalaha ee Soomaaliya xiligan, iyadoo ay sidoo kalena ku tiirsan tahay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jira kuwo hanti ay u taallo iyo kuwo ka xoogsado oo manaafacaadsada wixii ay maalintaas shaqeystaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia