Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Kaaraan oo is-casilay kadib markii ay soo gaareen hanjabaado ku saabsan in la dilayo

Axad, March 02, 2008(HOL): Waxaa is-casilay oo xilkii uu ka hayay Maamulka Degmada Kaaraan ka iska dhiibay Guddoomiyaha Laanta Koowaad ee Waaxda Wajeer ee Degmada Kaaraan Maxamed Shiikh Cali, kaasi oo sheegay in uu go’aanka is-casilaadda ah qaatay kadib markii ay soo gaareen hanjabaado ku saabsan in la dilayo haddii uusan isaga bixin maamulka Degmada Kaaraan.

“Waxaan isu casilay sabab la xiriirta hanjabaado iiga yimid dad doonaya in aan ka baxo maamulka Degmada Kaaraan iyo culeysyo iga soo food saaray dhinaca Waalidiinteyda oo aan raali ka ahayn in aan xil u hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Maxamed Shiikh Cali.

Maxamed Shiikh Cali oo la dhashay Alle ha u naxariistee Fannaaniinkii geeriyooday ee C/qaadir Shiikh Cali Sanka ayaa wuxuu sheegay in uu caddeynayo in uusan ka mid ahayn maamulka Degmada Kaaraan, isla markaana uu arrintaas la socodsiiyay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Mas’uulkan iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Degmada Kaaraan ayaan ahayn midkii ugu horeeyay oo isu casila sabab la xiriirta in loogu hanjabay in la dilayo, waxaana horay u jiray mas’uuliyiin dhowr ah oo iska casilay xilal ay u hayeen Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kalena, sarkaal ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Xamar oo lagu magacaabi jiray Axmed Keytal ayaa xalay lagu dilay Xaafadda Godey ee Degmada Kaaraan, iyadoo sarkaalkaasna la sheegay in uu ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha Suuqa Arjantiin ee Degmada Kaaraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia