Axad, March 02, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaatay qalabkii ay ku shaqeynayeen Idaacadaha Simba, Shabeelle iyo Horn Afrik oo ka mid ah Idaacadaha ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Qalabka ay Ciidamada ka qaateen Idaacadda Simba ayaa lagu sheegay lix Computer oo uu ku jiray mid Laptop ah 2 Camero oo isugu jiray mid Video ah iyo mid Sawirrada lagu qaado oo Digital ah, Mixer iyo Rikoorro ay Wariyayaasha Idaacadda ku shaqeeyaan.
Ciidamadan ayaa intii ay ku jireen Idaacadda waxay jir-dil u geysteen qaar ka mid ah Wariyayaasha Idaacadda, iyagoo kadibna Gaari Cabdi Bile ah ku rartay qalabkii ay Idaacadda ku shaqeyneysay.
Sidoo kalena Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay galeen Idaacadda Shabeelle, waxayna halkaas ka qaateen Labo Mixer iyo hal Computer, iyagoo horay u kaxeystay Agaasimaha Idaacadda Mukhtaar Maxamed Hiiraabe , waa sida uu sheegay Maxamed C/llaahi Xaaji oo ka mid ah Wariyayaasha Idaacadda.
Xarunta Idaacadda Horn Afrik ayay iyaduna saaka galeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna Maxamed Abuukar Ma’da oo ka mid ah Wariyayaasha Idaacaddaas uu sheegay in ay saraakiishii Hoggaamineysay Ciidamada Idaacadda galay ay ku amreen in ay Idaacadda demiyaan, isla markaana ay dibadda u soo baxaan iyagoo ay gacmaha madaxa u saaran yihiin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Idaacadahan ayaa dhamaantood waxay ku yaaliin Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha oo saaka ay gudaha u galeen Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo waddooyinkaasna ay in muddo ah ahaayeen kuwo aaney ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah sabab la xiriirta ammaankooda oo xumaaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia