Shirweynihii Saddexaad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Hoggaan lagu doortay

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Mustafa Cabdi Ciise (Shiine)
Axad, March 02, 2008(HOL): Shirweynihii sadexaad ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa lagu soo gabo-gabeeyay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, iyada oo geba-gebadii Shirkaa lagu doortay Guddoomiye, Guddoomiye-xigeenno, Xoghaye guud iyo waliba guddi fulineed ka kooban 15 xubnood oo ka kala tirsan warbaahinta maxaliga ah iyo suxufiyiinta madaxa banaan ee Somaliland.

Shirweynahaas oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa ka qaybgalayaashi shirkaasi waxa ay sida adag ugaga doodeen qodobada xeerka Ururka, ka dibna xubnaha Ururku ay ansixiyeen xeer cusub oo ka kooban toban qodob, oo ay ugu codeeyeen qodob qodob. Iyada oo halkaa lagu doortay 15 xubnood oo loo asteeyay in ay noqdaan gudida fulinta ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isla markaana waxa mar labaad sadex sanadood ah ay xilkii dib ugu doorteen gudoomiyihii Ururkaasi, Mustafe Cabdi Ciise [Shiine], Gudoomiye ku xigeenkii koowaad-na waxaa loo doortay Xariir Faarax Ducaale, Gudoomiye Ku xigeenka labaad waxaa isna loo doortay Maxamed Siciid Muxumed, halka Muuse X Muxumed Guuleed-na loo doortay Xoghayaha Guud ee Ururka.

Codayntii iyo Doorashadii Hoggaanka Ururka SOLJA ka dib, waxa hadallo kooban halkaa ka jeediyey Gudoomiyaha la doortay ee Ururka SOLJA Mustafe Cabdi Ciise [Shiine], oo sheegay in Mabda'a Ururka SOLJA uu yahay wada-tashi iyo isu-tanaasul. “Horta meesha [Madashii Shir weynaha] waxaan u nimid in aanu dhisano mustaqbalkii suxufiyiinta Somaliland..Ururka SOLJA waxa uu ku dhisan yahay wada tashi iyo sulux.' ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine). Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, cid uu ka maarmaa ma jirto, cid walbana albaabadiisu way u furan yihiin”.

Magacyada Xubnaha Guddiga fulinta Ururka SOLJA loo doortay
1- Mustafe Cabdi Ciise [Shiine]
2- Xariir Faarax Ducaale
3- Maxamed Siciid Muxumed
4-Maxamed Aw-Aadan
5-Xasan Maxamed Yuusuf
6-Cabdi Wali Faarax Jaambiir
7-Axmed Saleebaan Dhuxul
8-Axmed Ismaaciil Xuseen [Cirro]
9-Maxamed Muuse Diiriye
10-Muuse Aadan Qalinle
11-CabdiSalaan Maxamuud Ducaale
12 Muha Faarax Daahir
13 Nimco Cabdi Samriye
14 Muuse Xaaji Muxumed Guuleed.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland