Axad, March 02, 2008(HOL): Dagaalkii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, kuwaasi oo ilaa saaka soo baxayay.
Dad ka badan 10 Ruux ayaa ku geeriyooday, tiro ka badan 40 ruuxna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray dagaalkii shalay kadib markii ay dadkaas qaarkood haleeshay rasaas si bareer ah loogu riday, halka kuwo kale oo guryahooda iska joogayna ay ku habsadeen Madaafiic Hoobiyayaal ah.
Ilaa 11 madfac oo la sheegay in laga soo tuuray fariisinka ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Wasaaraddii Gaashaandhigga ayaa waxay ku dhaceen guryo iyo dhismayaal ganacsi oo ku yaala Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha oo ah Waddo isku xirta Isgoysyada Aadan Cadde iyo Carwo Idko, waxaana halkaas ku dhintay ilaa afar ruux, dad kale oo 10 ruux ku dhowna dhaawacyo ayaa soo gaaray.
Madaafiicda lagu duqeeyay Xaafadaha ku hareereysan Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha oo ahaa kuwo is-xigay oo aanu waqti badan u dhaxeynin ayaa waxay Dad kula habsadeen nawaaxiga Shirkadaha Xawaaladaha ee Wadada Labaad iyo weliba Xaafadaha u dhow, iyadoo sidoo kalena uu jiray Madfac ku dhacay Idaacadda Simba oo Wadadaas ku taala, kaasi oo kaliya geystay khasaare soo gaaray qeybta keydka Cajaladaha ee Idaacadda.
Ma jiro ilaa iyo hataan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka, isla markaana saameynta ku yeeshay Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa, inkastoo ay dhici karto in ay Dowladda ka hadasho dagaalkaas saacadaha soo socda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia