Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Taliye cusub u magacaabay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Cabirka Farta

Talaado, June 10, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta wuxuu taliye cusub u magacaabay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa wuxuu sheegay in madaxweynaha uu xilkaas u magacaabay Jen. Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere).

Afhayeenka ma uusan sheegin sababta keentay in uu madaxweynaha taliye cusub ugu magacaabo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la xasuusan yahay in horay xilalkaas looga qaaday Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Jen. C/llaahi Cali Cumar (Ina Libaax San-ka-taabte).

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii aan hoggaankiisa loo magacaabin Jen. Saciid Dheere waxaa xilkaas hayay Jen. Saalax Xasan Jaamac (Saalax Liif), kaasi oo aan ilaa iyo haatan la shaacin sababta keentay in xilkii uu hayay laga qaado.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waqtiga jiritaankeeda ay ka harsan tahay 14 bilood ayaa waxay inta badan waqtiga jiritaankeeda ku qaadatay magaalooyin aan caasimadda Soomaaliya ahayn, iyadoo markii ay Muqdisho timidna ay la kulantay dagaallo ay kala horyimaadeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia