Talaado, June 10, 2008(HOL): Ergooyin ka kala socday Dowladda Federaalka Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxay ku gaareen Magaalada Djibouti Heshiis dhowr qodob ka kooban kadib muddo 9 maalmood ah oo shirar uga socdeen Hotelka Kempinski iyo Guriga Umadda Jibouti.
Heshiiska ay labada dhinac gaareen ayaa waxaa qodobadiisa ugu muhiimsan ka mid ah:
In ay xabadda la joojiyo.
In muddo 30 maalmood ah dalka Soomaaliya oo dhan laga hirgeliyo heshiiska xabad-joojinta ah.
In muddo 120 maalmood gudahood ah ay Ciidamada Itoobiya uga baxaan Soomaaliya kadib marka la helo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan sugidda ammaanka.
In Ciidamada Qaramada Midoobay imaanaya ay noqdaan kuwo ka socda dalalka Soomaaliya saaxibka la ah oo aaney ku jirin kuwo Soomaaliya la deriska ah.
In la sameeyo guddi labada dhinac ah oo la socon doona qaabka uu heshiiska u dhaqangelayo.
In muddo 15 cisho gudahood ah ay shir isugu yimaadaan guddiyo labada dhinac ah, kuwaasi oo iyagoo ay shirarkooda guddoomineyso Qaramada Midoobay diyaarin doona shir 30ka July 2008 ay mar kale isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
In ay Dhinacyada heshiiska gaaray ka codsadaan Beesha Caalamka in ay ku gacan siiso meel-marinta qodobada ay ku heshiiyeen, sidoo kalena ay Beesha Caalamka ka codsadaan in ay muddo 6 bilood gudahood ah isugu yimaadaan shirweyne looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.
Heshiiska waxaa dhinac Dowladda Federaalka u saxiixay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/Salaan Xaaji Aadan, dhinaca Isbaheysigana waxaa u saxiixay C/raxmaan C/Shakuur Warsame, iyadoo sidoo kalena ay goob-joogayaal ka ahaayeen Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah iyo Safiirrada Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Sacuudiga iyo Jibouti, halka ay Urur Goboleedyadana ka joogeen Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka.
Waxaa ka hadlay Xafladdii saxiixa heshiiskan lagu soo bandhigay Madaxda dhinacyada Soomaalida, Ahmedou Ould-Abdallah, iyo Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda iyo Dowlado kale, waxayna dhamaantood sheegeen in heshiiska la gaaray uu keeni karo xalka mushkiladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia