Talaado, June 10, 2008(HOL): Waxaa siweyn u sii kordhaya gacanta Jaaliyadaha Dibada ay u fidinayaan dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya oo la oran karo waa kuwo layska iloobay daroofaha nolaleed iyo marxaladaha adag ee soo foodsaaray kadib markii ay ka soo barakaceen deeganadii ay ku noolaayeen.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK ayaa markii Sadaxaad isla sanadkan gudahiisa waxaa ay soo gaarsiisay dad ku dhibateysan gudaha Magaalada Beledweyne Deeq lacageed oo gaareysa ilaa 1000 $ doolar taa oo loo qeybiyay in ka badan 80 Qoys oo isugu jira kuwo soo barakacay iyo Qoysas loo arkay in ay mudan yihiin wax ka helista Deeqda lacageed kadib markii la eegay daruufaha iyo xaaladaha ay ku nool yihiin.
Urur Maxali ah oo lagu magacaabo Daljire Somali Assosation islamarkaana siweyn ugu howlan sidii loo gar gaari lahaa dadka dhibaateysan ayaa markii shanaad iyagu Deeqdan u qeybiyay dadka loo soo diray, waxaana sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan Ururka xooga saaray haweenka iyo caruurta oo ah kuwo u nugul marxaladaha adag ee nolasha.
HOL oo booqatay intii ay qeybintu soctay qaar ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka soo barkacay ayaa waxaa ay la kulantay shaqsiyaad iyo Qoysas wajiyadooda laga dheehan karay dhibaatooyinka nolaleed ee la soo darsay, waliba waxaa ugu sii daran dhinaca hoyga oo ay siweyn uga cabanayaan, Intooda badana waxaa ay siweyn u soo dhaweeyeen gacanta is daba jooga ah ee uga imanaya Soomaalida ku dhaqan Dalka dibadiisa.
Hooyo ka mid dadka Deeqda helay ayaa sheegtay in marka laga soo tago lacagta ay qaadatay siweyn ugu faraxsan tahay in ay soo xusuustaan Soomaalida dibada joogta Marxalada adag ee la soo daristay iyada iyo kuwa la midka ah.
Marka loo fiirsado kaalmooyinkii hore ee la gaarsiin jiray dadka dhibaateysan iyo waliba sida hada wax u socdaan waxaa la oran karaa waa kuwo kala duwan, waayo inta badan Deeq la gaarsiinayo dadka dhibaateysan waxaa ay heli jiraan wax yaabo daruuri ah sida Rashinka oo kale, lakiin hada marxaladu waa mid taa ka duwan waliba tan iyo markii ay bilaawdeen Deeqaha ka yimaada dalka dibadiisa waxaa dadka la gaarsiiyaa lacag cadaan ah, tasoo wax badan uga faa'iido badan deeqihii hore waayo waxaa suurta gal ah in Qoysku lagactaa ku daboolo baahiyihiisa kale.
Ururka Daljire oo fadhigiisu yahay Magaalada Londan ayaa horay dad dhibaateysan u gaarsiiyay deeqo isugu jira Biyo Raashin iyo Lacag intaba, waxaana mas'uuliyiintiisu mahad balaaran u celiyeen intii ka qeyb-qaadatay baahinta wararka Deeqaha gaar ahaan HOL oo ay ku tilmaameen ay gacan ka geysatay fidinta wararka ku aadan deeqaha si markaa talaabadaa mid la mid ah u qaadaan shaqsiyaadka wax heysta ee ku nool dalka iyo dibada intaba.
Ugu dambeyntiina waxaa uu ururku ku booriyay Jaaliyadaha Dibada in ay xooga saaraan u samafalka dadka Soomaalida ah dhibaatadu ku heysto gudaha dalka, xili la og-yahay gacanta yar ee dadkaasi ay ka helaan hay'adaha ku shaqada leh wax ka qabshada arimahaa oo kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia