Talaado, 10 June 2008 (HOL): Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen, waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen wax-ka-bedel lagu sameeyay Xeerka Doorashooyinka Somalilanbd. Kaas oo si ku-meel-gaadh ah looga saaray 14 Qodob.
Fadhigan ay maanta yeesheen Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa uu ka dambeeyay fadhi degdeg ah oo Shirguddoonka Wakiilladu isugu yeedhay maalintii sabtidii, ka dib markii M/weyne Daahir Rayaale u gudbiyay Golaha Xeerkaa. Fadhigan, ayaa cod gacan-taag ah loo qaaday Xeerka Diiwaangelinta Somaliland oo si ku-meel-gaadh ah looga saaray 14 Qodob oo caqabad ku ah Doorashooyinka soo socda ee Somaliland. Hase ahaatee, Xeerka ayaa sidiisa ahaan doona marka laga gudbo Doorashooyinka soo socda, isla markaana qoddobadan ayaa sidooda ahaan doona iyana.
Fadhigan oo ay goob-joog ka ahaayeen 44 Mudane, ayaa waxa in la ansixiyo u codeeyay oo ogolaaday wax-ka-bedelka Xeerkan 33 Mudane. Waxa diiday 8 Mudane, waxa ka aamusay 2 mudane, halka aanu Guddoomiyuhu ka codaynin. Sidaas oo uu ku ansaxay Xeerkan wax-ka-bedelka lagu sameeyay.
Ansixinta Xeerkan, ayaa waxa uu ku soo beegmay maalin uun ka dib markii saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland ay heshiis saddex-geesood ah ay saxeexeen, isla markaana isku raaceen in la dhammeeyo khilaafaad Siyaasadeed oo muddoonkii u dambeeyay dhex yaalay.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland