Talaado, June 10, 2008(HOL):Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xalay iyo habeen hore waxay ku kala jireen labo jawi oo kala gedisan, iyadoo habeen hore uu soo gaaray war ku saabsan in ay burbur qarka u saaran yihiin wada hadallada Jibouti, halka xalayna ay heleen war midkaas lid ku ah oo ahaa in Wada hadalladaas ay guuleysteen, heshiisna lagu gaaray.
Dad badan oo Muqdisho ku dhaqan oo aan wax ka weydiinay sida ay u arkayaan heshiiska ay gaareen dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay intooda badan noo sheegeen in uu heshiiskaas ula muuqdo mid miro dhal noqon kara waa haddii bey yiraahdeen ay dhinacyada saxiixay ay u dhabar adeygaan meel marintiisa.
Inkastoo ay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho badankood soo dhaweynayaan heshiiska la gaaray hadana waxaa jira dad kale oo qaban in qodobada heshiiska lagu gaaray ay mugdi ku jiraan, waxayna tusaale u soo qaadanayaan qodobka ku saabsan bixitaanka Ciidamada Itoobiya oo ay sheegayaan in uu ku xiran yahay marka la helo ciidamo ka socda UN-ka oo weliba ah Nambar ku filan sugidda ammaanka Soomaaliya.
Heshiiska ay wada gaareen dhinacyada isku haya Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay ku dhibaateysan yihiin duleedyada Muqdisho, halka kuwo kalena ay ku waxyeeloobaan dagaallada iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoo weliba ay sii dheer yihiin kuwo ka cararay dalka Soomaaliya oo badda ku dhamaanaya.
Ugu damebyntiina, waxaa la eegi doonaa sida ay dhinacyada heshiiska wada gaaraan u meel mariyaan qodobada ay ku heshiiyeen, iyadoo weliba la ogyahay in ay labada dhinacba qabaan dhinacyo ka soo horjeeda heshiiskaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia