Madaxda Dhinacyada Heshiiska ku gaaray Jibouti oo sheegay in ay u dhabar adeygi doonaan meel-marinta heshiiska ay gaareen

Cabirka Farta

Talaado, June 10, 2008(HOL):Mas’uuliyiinta sare ee dhinacyadii heshiiska ku gaaray Dalka Jibouti ayaa waxay xafladdii heshiiska lagu saxiixayay ka ballanqaadeen in ay meel marin doonaan heshiiska ay wada gaareen.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu sheegay in heshiiska ay la saxiixdeen Isbaheysiga Dib u xoreynta oo uu ku tilmaamay mid bilow ah oo fulin u baahan yahay, isagoo xusay in  ay dhinacooda ballanqaadayaan in ay heshiiskaas meel-marintiisa u dhabar-adeygi doonaan, wuxuuna rajeeyay in heshiiska la gaaray uu soo af-jari doono colaaddii iyo dhibaatadii mudada dheer heysatay dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isna xafladda ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in heshiiska la gaaray uu yahay dariiqii loo marayay dhibaatada Soomaaliya ka taagan, wuxuuna Allaah ka baryay in uu ku guuleeyo sidii ay u meel-marin lahaayeen, isagoo shacabka Soomaaliyeedna ka codsaday in ay la dhaqangeliyaan heshiiskaas.

“Waxaa dhici karta in Shacabka Soomaaliyeed ay noo arkaan in aan u soo qaadnay wax aan cuntamin, waxaanse leenahay waa dariiqii loo mari lahaa soo af-jaridda dhibatada Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeybqaataan meel-marinta heshiiskaas.

Sidoo kalena, waxaa heshiiskan mid guul ah ku tilmaamay Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo labaduba ahaa hoggaamiyayaasha Ergooyinka Dowladda iyo Isbaheysiga, waxayna labaduba sheegeen in heshiiskan uu yahay mid lagu xalin karo dhibaatada Soomaaliya ka  taagan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia