Magaalada Beledweyne oo dadku si weyn uga barakacayo kadib dhaq dhaqaaq Mileteri oo ay gudah magaalada ka bilaabeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga

Cabirka Farta
Sabti, July 05, 2008(HOL): Saacadihii ugu dambeeyay dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne waxaa ay ahaayeen kuwo ku jira xaalad jahwareer badan, kadib markii qeybo ka mid ah Magaalada dhaqdhaqaaqyo Malatari ay ka bilaabeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne.
 
Xaafado ka tirsan Magaalada ayaa qoysaskii ku dhaqnaa intooda badan waxaa ay aysaga baxayaan guryihiin ay ku noolaayeen iyagga oo u cararay dhulka Miiga si markaa ay uga baxsadaan dhibaato uga timaada hadii dhinacyada iska soo horjeeda ku dagaalamaan gudaha Magaalada.
 
Xaafadaha ugu daran ee hadda barkacu ka jiro ayaa waxaa ka mid ah Xaawo Taako, Kooshin, Fiiltaro iyo Nuur Xawaad oo ah marka dhinac laga eego ah Xaafadaha ugu dhaq dhaqaaqa badan Magaalada, waxaana dadka ugu horreeya ee durbaba laga saaro Xaafadahu yihiin Haweenka, Caruurta iyo Dadka Waayeellada ah kuwaasi oo ah kuwo u nugul xaaladaha ay Cooladdu jirto.
 
Gawaarida Dagaalka ee Xoogagga Maxkamadaha ayaa maanta lagu arkayay Magaalada iyagoo gaaf wareegaya Xaafadaha qaar kuwaas oo marka aad la sheekeysato mas'uuliyiintoodu ay kuu sheegayaan in ay ka go'an tahay weerar lagu qaado Ciidamada Itoobiyaanka haddii ay isku dayaan in ay soo galaan gudaha shacabka.
 
Waxay xaaladda cabsida cirka isku sii shareertay kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanku ku soo fool leeyihiin magaalada si markaas ay u helaan Biyo, maadaama habeen hore kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya gubeen Booyaddii biyaha uga qaadi jirtay Magaalada Ciidamada Itoobiyaanka.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaalada Magaalada Beledweyne waxaa lagu tilmaami karaa mid aan daganeyn tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalladii dhawaan ka bilowday qeybo ka mid ah Goballada Dhexe kaas oo midkii ugu dambeeyay uu ku dhexmaray inta u dhaxeysa Deegaanka Jawiil iyo degmada Feer-feer ee dhulka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia