Sabti, July 05, 2008(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntooda KMG ah ee magaalada Baydhabo ayaa waxay gunaanadkii shirkooda isku raaceen in aaney fasax gelin oo ay sii wadaan howlaha Baarlamaanka.
Xildhibaannada oo saaka markii ay Xarunta Baarlamaanka isugu tageen lagu wargeliyay in ay u yaallaan labo mooshin oo kala ah in ay fasax galaan oo kalfadhiga Baarlamaanka la xiro in aaney fasax gelin oo ay sii wadaan howlaha Baarlamaanka ayaa waxay Xildhibaannada ku kala baxeen kuwo doonaya in fasax la galo iyo kuwo kale oo raba in uu Baarlamaanka howshiisa sii wato.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ahaa Xildhibaannadii qabay in fasax uu galo baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in Xeer hoosaadka u degsan Baarlamaanka uu dhigayo in afartii biloodba ay Xildhibaannada Baarlamaanka fasax galaan, sidaas darteedna aysanba jirin sabab loo keeno mooshin kale oo ku saabsan in aan fasax la gelin.
Laakin Xildhibaan Cawad Axmed Xasharo oo qabay fikir midkaas ka duwan ayaa wuxuu sheegay in xaalad adag oo uu dalka ku jiro aawgeed aaney suurtagal ahayn in Xildhibaanada la kala diro, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Xildhibaannada looga baahan yahay in ay u guntadaan sidii wax looga qaban lahaa dhibooyinka ka taagan Dalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, markii ay Xildhibaannada dooddaas dhexmartay ayaa wuxuu ugu dambeyntii cod loo qaaday labada mooshin ee baarlamaanka la hor-geeyay, kuwaasi oo kala ah in baarlamaanka fasax la geliyo iyo in aan la gelin, waxayna 149 mudane oo ka tirsan 155 mudane oo kulankii maanta ka soo xaadiray ay u codeeyeen in aan Baarlamaanka fasax la gelin oo uu shaqeeyo, waxaa diiday hal mudane, shan mudane oo kalena waa ay ka aamuseen, iyadoo ay xusid mudan tahay in kulankii maanta uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia