Sabti, July 05, 2008(HOL): Xoogagga Makamadaha Islaamiga ayaa saakay waxaa ay weerar u qaadeen kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday dhinaca Degmada Feer-feer xilli ay marayeen halka lagu magacaabo Baar kuul oo ah tuulo u dhaxeysa Kalabeyr iyo Degmada Feer-feer.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay oo ku hubeysnaa ilaa 8 Gadiidka dagaalka ayeey wararku sheegayan in muddo ku dhan hal saac dagaal culus la galeen Xoogagga Maxkamadaha lakiin ilaa hada ma 'jiraa warar faah faahsan oo ka hadlaya khasaaraha Dagaalka Saakay dhacay, waxaana warku intaa ku darayaa in Ciidamada Itoobiyaanku dhaafeen goobtii uu dagaaku ku qabsaday.
Dagaalka saakay ka dhacay halka lagu magacaabo Baar Kuulow ayaa ahaa aysan filaneyn Ciidamada Itoobiyaaku, maadaama goobta lagu dagaalamay ay wax xoogaa u jirto Degmada Feer-feer ii dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
C/raxiin Ciise Caddow oo u hadlay Xoogagga Makamadaha Islaamiga ayaa sheegay in dagaalka saakay dhaxmaray Ciidamada Makamadaha Islaamiga iyo kuwa Itoobiya ku gubeen labo ka tirsan Gadiidkii ay wateen Ciidamada Itoobiya, isaga oo intaa ku daray suurta galnimada in qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiyaanku ku dhinteen Dagaalka.
Maalmihii aynu soo dhaafnay qeybo ka mid ah Goballada dhaxe ee dalka Soomaaliya waxaa ka jiray dagaalo u dhaxeeya Ciiidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha inkastoo ugu danbeytii Ciidamada Itoobiyaanku soo gareen Xerada Jate-kuundisho oo ah saldhiga rasmiga ah ee Itoobiyaanku ku lee yihiin Gobalada dhaxe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia