Sabti, July 05, 2008(HOL): Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi General Cade ayaa Maanta kulan xasaasi ah kula qaatay Jamaacadda PS.U ee Magaalada Gorowe Mas'uuliyiin ka socotay hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl gala Deegaannada Puntland.
Kulanka uu Madaxwaynaha la qaatay Hay'adahaan ka socday Qaramada Midoobay ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen eedaymo loo jeedinayo Hay'adahaaasi oo ku aadan in ay ka gaabiyeen dawrkoodi ku aadanaa wax u qabashada dadka soo barakacay ee ku dhaqan Deegaannada Puntland.
Mas'uuliyiintaan ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya si ay ula kulmaan Madaxwaynaha ,isla markaana ay isula meel dhigaaan qodobo wax ku ool ah oo wax looga qabanayo dadka tabaalaysan.
Madawaxwayne Cadde Muuse ayaa baaq uu maalintii shalay ahayd ka soo saaray Magaalada Gorowe waxa uu hay'adaha kaga codsaday in ay wax ka qaabtaan xaaladda Puntland.
Cristan Paljar oo ka mid ah Saraakiisha Qaramada Midoobay ee u xil saaran dalka Somalia ayaa sheegay in Puntland ay ka jirto amni xumo aad u baahsan, taasi oo kaliftay in hawlahooda ay noqdeen kuwo aan hormar lahayn ,balse waxaa uu intaasi ku daray in muhiim ay tahay wax ka qabashada Amniga oo iminka noqday mid aan la isku halayn karaynin.
Inkastoo kulankaan uusan ahayn kii ugu horeeyay oo ay wada qaateen Madaxwaynaha iyo hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa hadana eedaymaha loo jeedinayo hayadahaas wax ay noqdeen kuwo si aad ah u soo baxayay baryihii u dambaysay.
Kulankan ay wada qaateen Maanta hay'adaha iyo Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli ay qaybo fara badan oo ka mid ah deegaannada Puntland ay ku sugan yihiin qaxooti aad u fara badan oo u baahan in la caawiyo.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso ,Somalia